Waa Markii Saddexaad Ee SYL Hotel Lala Beegsado Qaraxyo Ay Mas’uuliyadooda Sheegato Xarakada Muqdisho Ka Dagaalantaa
Saddex Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Muqdisho Balse Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland oo Dhaawacyo Ay Kasoo Gaadheen Qaraxaas+ Tirada Dhimashada Oo Isa Soo Taraysa
Muqdisho (Hubaal):- Ugu yaraan 35 Ruux, ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen Qarax Ismiidaamin ah oo Isniintii shalay ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay Kadinka laga galo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho iyo Huteelka SYL oo Villa Soomaaliya ka soo horjeedkeeda ku yaalla, halkaasoo dadka ku dhaawacmay ay ku jiraan Wasiirro iyo Xildhibaanno dowladda ka tirsan iyo weliba dad badan oo Shacab. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Qaraxan ka dib Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Wasiirro iyo Xildhibaanno uu isagu ka mid yahay ay dhaawacyo kala duwan qabaan, isagoo xusay inuu isagu bad qabo, balse Masuuliyiinta Dhaawacyada soo gaadhay fudud yihiin, sidoo kalena ay Weriyeyaasha Barnaamijka laga wadahadlayey waday oo ka hawlgalayey TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho ay iyagana dhaawacyo fududi soo gaadheen qaarkood. Wasiir Maareeye waxa uu intaas ku daray in Xilligaas ay Huteelka SYL oo ka socdeen laba Shir oo midkood uu ahaa Shir ay lahaayeen Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mid kale, isla markaana ay Ciidammada Ammaanku Rasaas ku fureenGaadhiga waxyaabaha Qarxa laga soo bbuuxiyey intii aanu Qarxin ka hor sida uu Wasiirku sheegay. Wasiirrada iyo Xildhibaannada ku dhaawacmay Qaraxan, waxaa ka mid ahaa; Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Nuur Faarax Xirsi, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo welib illaa labaatan Mudane oo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo ay ka mid yihiin; Xildhibaan Koos, Xil. Cabdalla Boos, Xil. Jeesow, Xil. Daheeye iyo Xildhibaanno kale. Al-Shabaab, ayaa sheegatay Masuuliyadda Qaraxyadaas ka dhacay Kidinka Madaxtooyada iyo Huteelka SYL ee magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay fuliyeen wax ay ugu yeedheen Mujaahidiin iyaga ka tirsan, waxaanay xuseen in weerarradaasi guulaysteen, isla markaana bartilmaameedku ahaa labadaas goobood oo ay Al-Shabaab sheegtay inay ka socdeen Shirar ay ugu yeedheen kuwo Shirqool ah sida ay Warbaahinta Al-Shabaab afkeeda ku hadashaa faafisay isla shalay. Geesta kale, Askari ka tirsan ilaallada Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa sheegay inuu ka dhacay qaraxu inta u dhaxeysa Madaxtooyada iyo Huteelka SYL, waxaanu intaas ku daray isagoo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA in Gaadhiga Qarxay uu ku socday Xawaare aad u sarreeya, isla markaana ay awoodi waayeen ilaalo ahaan inay joojiyaan intii aanu Qarxin ka hor. “Baabuur xawli ku socda ayaa nasoo galay, rasaas digniin ahayd ayaan hawada ugu ridnay, balse markii uu joogsan waaya ayaan toos u rasaaseynay, kaddibna bartamaha laamiga ayuu ku qarxay.” Sidaa ayuu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u sheegay Askarigaasi Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka tirsan oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo. Waxay Qaraxyadaas SYL iyo Villa Soomaaliya ka dhacay Isniintii geysteen dhibaato xooggan oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo Burbur hantiyeed oo baaxad leh, waxaaan dadka Dhimashada iyo Dhaawaca noqday ku jira dad aan ku jirin labada goobood ee Qaraxyadu ka dhaceen, balse ka agdhawaa, kuwaasoo isugu jira kuwo Agagaarka Huteelka ku ganacsanayey oo Dumar Qaadka iibiyaa ku jireen sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Maareeye iyo Shacab iyaguna jidadka u dhaw Goobahaas marayey sida uu caddeeyey Wasiirku. Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo Huteelka SYL, ayaa labadoodaba Kooxda Al-Shabaab ay Qaraxyo kala duwan sidan oo kale uga geysatay wakhtiyo kala duwan oo hadda ka horreysay, kuwaasoo sidan oo kale u geystay khasaare badan oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed-ba isugu jira.