Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Hargeysa Dhex Tamashleynaya Iyo Ciidammada Ammaanka Oo Baadi-goob Ugu Jira Hubka
GUDAHA KA AKHRI: Goorta Doonidu Soo Xidhatay, Deegaanta Ay Kusoo Xidhatay, Tirada Gaadiidka Daabulay, Cidda Doontu U Rarnayd Iyo Meesha Loo Leexiyey
Ceergaabo (Hubaal/ANN)- Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Xiisadi ka aloosantay Dooni siday shixnad Hub ah oo laga dejiyay marsada deegaanka loo yaqaanno Saleekha oo iyadu qiyaastii 5km dhinaca cadceed kasoo baxa [Bari] kaga beegan Magaalada Maydh. Sida lagu daabacay degelka wararka ee Araweelo News Network xalay oo Warkan aanu kasoo xiganay doonidan oo siday shixnad Hub ah oo ay sheegtay in si qarsoodi ah loogu rogay halkaas habeen hore Axadii bishua hayd 24.Oct.2015-ka, ayaa ay shabakadu sheegtay in ciidammada ilaallada xeebaha Somaliland ee ku sugan saldhiga Maydh ay awoodi waayeen inay la socdaan xaallada deegaankaas, hase ahaatee ay ciidammada ammaanka ee gobolka Sanaag ka war heleen imaatinka hubkaas. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in hubkaas oo la weriyey in dad shicib ahi wateen lagu daabulay saddex baabuur oo mid xamuul yahay, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwo yaryar, waxaana goob-joogayaal ka ag dhawaa deegaankaasi ay ANN u sheegeen in markii ay dadkii hagayay gaadiidkan rarnaa ka warheleen ciidammada ammaanka ee soo beegsanaya hubkani ay ka leexiyeen jihadii markii hore qorshuhu ku waday, iyaga oo u baydhay dhinaca magaalada Harreed oo ah deegaan beeraley ah oo dheegga ku haya buurta Cal-madow. Hubkan ayaa qaar kamid ah dadka deegaanka ku dhaqani ay Araweelo News Network u sheegeen in uu ka yimi ama doonnida siday ay kasoo shiraacatay dhinaca dalka ay qulqulatooyinku ka socdaan ee Yemen oo goob-jooguhu sheegay in uu noqday mid waqtiyadan dambe marin noqday hubu kasoo qulqulo. Taliyaha Qaybta Booliska iyo Ciidammo Milateri ah, ayaa u boqoolay dhinaca Magaalada Xeebta ee Maydh iyo wadada isku xidha Xeebaha Maydh iyo Xiis balse waxay wararka la xidhiidhaa arrimahaasi sheegayaan in aan weli gacanta lagu dhigin Hubkaa oo dadka shacabka ah ee sitaa doonayaan in aanay u gacan gelin xukuumadda Somaliland, kuwaas oo laga cabsi qabo inay si qarsoodi ah usoo dhaafiyaan, ama ay ku qariyaan deegaankaa oo Buuralay ah, isla markaana ay adag tahay in la oggaado goobta la dhigay. Dhinaca kale Illaa hadda maamulka Gobolka Sanaag wax tafaasiil ah kamay bixin warka la xidhiidha hubkan, iyadoo muddo bil dhow uu Badhasaabkii Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay uu ku sugan yahay caasimadda Hargeysa oo lagu arko isagoo gaadhigiisa ku dhex tamashleynaya xarumaha dawladda ee ku yaalla Magaaladda Hargeysa. Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi, Falaay oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suurto-galin inaanu helno ka dib markii uu qaadi waayay telefoonkiisa gacanta. Masuuliyiinta kale ee gobolka Sanaag, ayaa iyagu ku gaabsaday inaanay arrintan ka hadlaynin ee uu ka hadli doono badhasaabka oo ay sheegeen inuu socdaal shaqo ku joogo magaaladda hargeysa. Sidoo kale Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo aanu isku daynay in aanu arrintaa wax weydiino, ayaanay noo suurta gelin. Lama oga ujeedada dhabta ah ee sababtay in dadka deegaanka qaarkood Hub isugu jira Qoryaha B10, BM, qoryaha gaadiidka yar yar la saaro iyo Hubka fudud uga soo iibsadaan dalka Yemen, isla markaana u danaynayaan in Hubkaasi gacantooda ku jiro, balse warar kale ayaa sheegaya in sidan oo kale ay badhtamihii August 2015, Hub qayb ka mid ah Bulshada deegaanku uga soo dejisay Hub kala duwan deegaanka Xarshaw ee u dhexeeya Maydh iyo Laasqoray, iyadoo Hubkaasi u gacan galay dad shacab ah.