Wararkii Ugu Dambeeyey Ee 28-Qof Oo Ku Sumoobay Hilibka Tulud Bugtay Oo Ay Qasheen

0
37

Dadkan Oo Ka Kooban 11-qoys Oo Deris ahaa ayaa Ku Sumoobay Hilibka Tulud  Loo Aanaynayo Inuu Bahal Hoose Qaniinay

dad-sumoobay

Burco:(Hubaal)-Ugu yaraan inta la xaqiijiyey  28-qof, ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaallo ku yaalla magaalada Burco, kaidb markii ay ku sumoobeen hilib neef geel ah oo ay cuneen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen maamulka cisbitaalka Burco.

Dadkan oo ka kooban qoysas ku noolaa deegaanka Karashakar loo yaqaanno oo ku yaalla duleedka magaalada Burco, ayaa shuban iyo matag bilaabay markii ay cuneen hilibka neef geel ahaa oo marka horeba xanuun aan la aqoonsan dartii loo galay.

Dadka sumoobay oo dhammaantood la dhigay cisbitaallo ku yaallla magaalada Burco, ayaa haatan xaaladooda lala tacaalayaa, waxana ay iskugu jiraan, Haween, carruur iyo waayeel, waxana agaasimaha guud ee cisbitaalka Burco, MD. Ibraahim Aadan Xasan uu sheegay in intooda badani haatan ladan oo ay daaweyn iyo caawin badan u sameeyeen.

Dhibaatada dadkan gaadhay oo  habeen hore dhacday, ayaa dadka ay gaadhay kasoo jeedaan ilaa iyo 11-qoys oo deris ahaa, isla-markaana is-gaadhsiiyey hilibka neefka la filayo inay ku sumoobeen, waxana qaarkood oo iyaga oo cisbitaalka ku jira saxaafadda la hadlay sheegeen inay hilibka ay cuneen u tuhmayaan xanuunka  sida siman ugu dhacay.

Ugu horrayn agaasimaha cisbitaalka Burco Md. Ibraahim Aadan Xasan oo arrintan  sharraxay, ayaa waxa uu yidhi,“dad baa jira deegaanka Karasharka ku qashay neef geel ah  oo xanuunsanayey, dadkuna iyaga oo aan hubin xanuunkaasi waxa uu yahay, ayey hilbihii iska cuneen oo beerkii iska shiisheen, kadibna dadkii way sumoobeen oo matag, beer-xanuun iyo shuban bay bilaabeen, waanu soo gurnay oo waanu u gurmannay, ilaahayna wuu nagu garab galay, imikana waanu la tacaalaynaa.”

Haweenay kamid ah dadka hilibkaas ku sumoobay oo magaceeda kusoo koobtay Saynab, ayaa tilmaantay inay filayaan inuu marka hore bahal qaniinay neefka ay  hilbihiisa ku sumoobeen, waxana ay tidhi, “dadku hal dhimatay hilibkeed bay cuneen markii dambena way wada shubmeen, neefkaasna waxa loo malaynayaa inuu bahal hoose qaniinay, dadkiina weli way shubmayaan, laakiin sidii way dhaamaan.”

Yaasmiin Faarax oo iyaduna kamid ah dadka cisbitaalka u jiifa hilibka ay ku sumoobeen, ayaa ka sheekaysay sida xanuunkoodu yahay iyo sida loo haleelay dadkaas, waxana ay tidhi,“neefkii markii aanu cunay ee aanu hilbihiisii karsanay ee aanu habeenkii seexanay, ayaa ilaa 3:00 habeennimo nalagu bilaabay oo aanu shuban iyo matag bilownay, neefkaasina ilaa saddex maalmood bay bukootay, xanuunkuna weli wuu na hayaa oo waanu xanuunsanaynaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here