Berbera:(Hubaal)-Dooni kuwa kaluumeysiga ah oo ka shiraacatey magaalada Berbera, ayaa ku degtay deeganka Ceel Daraad oo dhinca bari kaga beegan magaalada Berbera, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Md. Cali Faarax Buureed.
Doontan ayaa waxaa saarnaa lix qof shaqaale kaluumaysi ah isla markaana laba ka mid ah ayaa la helay Iyaga oo nool oo kasoo dabaashay goobta doontu ku degtay oo ahayd biyo sare oo Bada ah Waxaana Ilaa Hada la layahay Raq iyo Ruux doontii iyo 4 ka mid ah shaqaalihii doontaas Saarnaa meel ay jaan iyo cidhib ay dhigeen.
Doonta kaluumaysi ee dagtay ayaa waxa lahaa Isuduwaha Wasaarada kaluumaysiga ee Gobolka Saaxil oo lagu magacaabo Ismaaciil Cabdi Xirsi oo Kamida Kaluumaysatada Berbera, sida uu qaarkamid ah warabaahinta u xaqiijiyey.
Isu-duwe Cabdi Xirsi uu sheegay in dhacadadani dhacday habeen hore abaara 12-kii habeenimo sida la qiyaasayo iyada oo doontu kasoo laabatay kaluumaysi ay muddo shan habeen ah ku maqnayd oo kaluun badanina saarnaa.
Ilaa Hada wax gurmad ah oo loo fidiyay doontaas iyo kaluumaysatada saarnayd oo jiraa ma jiraan Waxaana la filayaa in ay afarta ruux ee kalee doonta saarnaa geeriyoodeen oo badu liqday maada,a oo aan ila hada raq iyo ruuxtoona lahaynin.