Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Majaajilayste Reer Xamar Ahaa Oo Hargeysa Dib Looga Mustaafuriyey

0
57

ajakis

Hargeysa:(Hubaal)-Majaajiliste Cabdi Muuriidi Dheere Ajakis oo ka tirsan shaqaalaha Telefishanka Universal qaybtiisa Muqdisho, ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho kadib markii lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Ajakis oo markii uu magaalada Muqdisho ku laabtay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maareeyahay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa amray xadhigiisa, kadib markii sida uu hadalka u dhigay lagu eedeeyay in uu aflagaado ku geystay madaxweynaha Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo.

“Markii aan diyaarada ka soo degay jidhdil ayaa la ii geystay darbiga ayaa madaxa la iiga dhuftay, maareeyaha garoonka ayaa xadhigeyga amray, isaga oo leh sow ma tihin ninkii madaxweynaha aflagaadeynayay, sidaa ayaan xabsiga ku gallay” ayuu yidhi Cabdi Muriidi Dheere Ajakis.

Hase ahaatee warar hoose oo nasoo gaadhaya, ayaa sheegaya in fanaanka xabsiga la dhigay kadib markii laga waayay warqadihii ogolaanshaha ee uu Somaliland kusoo galay, taasoo keentay in go’aaan lagu gaadho in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii uu ka soo safray.

Ugu danbeyntii, Majaajiliste Ajakis oo siweyn looga garanayo deegaannada looga hadlo afka Soomaaliga ayaa caan ku ah barnaamijka faaliyaha Qaranka ee ka baxa TV-ga Unversal oo dadku u arkaan in uu yahay barnaamij lagu madadaasho.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here