Muqdisho (Hubaal) Guddiga qaban-qaabada musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa iyo hada si rasmi ah isku diiwaangaliyeen ilaa afar musharax oo soo buuxiyay sharuudaha laga doonayo qofka u tartamaya xilka madaxweynaha. Sidoo kale gudiga ayaa sheegay in ay jiraan musharixiin u timid oo su’aal ka weydiiyay sharuudaha leysaga baahan yahay iyo macluumaad kale oo doorashada la xidhiidha, kuwaas oo laakiin aan is diiwaangalin dibna uga laabtay goobta doorashada. Khamiistii dorraad waxaa shaaciyay in uu gebi ahaanba iskaga hadhay tartanka ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Max’ed Cali Geedi oo sababaha tanaasulkiisa ku micneeyay in uu u olaleyn doono isbeddel dhinaca hoggaanka ah oo dalka ka hanaqaada.
Sharuudaha qofka musahraxa ah laga doonayo ayaa waxaa ka mid ah lacag dhan $ 30, 000 doolar oo la odhan karo waa sharuuda ugu weyn ee laga yaabo in ay meesha ka saarto hankii ay qabeen musharixiin dhowr ah oo hore u shaaciyay in ay kursiga u tartamayaan. Maanta Sabti ah iyo maalinta berri oo Axad ah ayaa la filayaa in ay sii socoto is diiwaan-galinta musharixiinta, waxaana lagu tilmaamayaa in labadaa maalmood noqon doonaan kuwa aad ay mashquul u yihiin guddiga madaama wixii Axada berri ka danbeeya aan la qaban doonin araajida musharixiinta.
Wax yaabaha xiisaha leh ee jadwalka doorashadan ku dhex jira waxaa ka mid ah in 31-ka bishan loo asteeyay maalin ay dood furan yeelan doonaan musharixiinta oo waa mid walba oo ka mid ah dadka la wadaagi doono waxa uu musharaxa kale kaga duwan yahay.
Ugu danbeyntii, guddiga doorashada ayaa kalsooni weyn ku qaba in howlaha oo idil ku soo dhamaan doonaan waqtiga ay ugu talagaleen ee jadwalka ku qoran.