Muqdisho (Hubaal):- Sarkaal sare oo ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Sar-guduudda ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Rag ku hubaysan bastoolado oon haybtooda la garanayn, ayaa fiidkii hore ee xalay gurigiisa ku weeraray masuulkan, iyagoo isla goobtaasi qudha kaga gooyey.
Raggan ayaa la sheegayaa inay baxsadeen kadib markii ay masuulkaasi khaarajiyeen. Waxaana muddo yar kabacdi goobtii soo gaadhay ciidamada dawladda Somaliya.
Masuulkan la dilay ayaa ahaa Garsoorihii degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Waxaanu dilkiisani u muuqdaa fartii iyo ficilladii Al-shabaab.
Sidoo kale, Laba askari oo ka tirsan ciidanka dawladda Somaliya ayaa xalay rag hubaysani ay ku dileen xaafadda Taleex ee
degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Raggii dilkaasi geystay oo ku hubaysnaa bastoolado ayaa la sheegayaa inay iyaguna goobtii ay iskaga baxsadeen kadib markii ay dileen labadaasi askari.
Askari kale oo ka tirsan ciidamada Somaliya ayaa isla xalay rag hubaysani ay ku dileen xaafadda Mukriga oo ka mid ah xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Raggii askarigaasi dilay ayaa sidoo kale baxsaday. Waxaanay tirada dhimashada xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Afgooye ay dhan tahay Saddex Askari iyo Garsoore maxkamadeed.
Dilalkaasi xalay dhacay kadib, waxay saaka ciidamada dawladda Somaliya ay bilaabeen hawl-gallo raaf ah oo ay ku qaadeen dad fara badanna kaga soo qab-qabteen xaafadaha Waaberi iyo Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxaysa Caato iyo La-helow ee gobolka Bakool ee dalka Somaliya.
Qaraxan oo lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Liyuu Booliiska Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Baabuur ka mid ahaa kolonyadaasi oo ahaa nooca loo yaqaan CabdiBile ayuu Qaraxaasi la kacay, waxaana halkaasi ku naf-waayey tiro askar ah iyo weliba sarkaalkii watay ciidankaasi.
Sarkaalka dhintay ayay warbaahinta qaarkood ay magaciisa kusoo gaabiyeen Shariif. Waxaanu Qaraxani oo ahaa mid aad u culus, kaasoo sidoo kale waxyeello gaadhsiiyey gaadiid kale oo ka mid ahaa kolonyadaasi.
KENYA: Dhanka kale, Wararkii ugu dambeeyey ee laga helaayo deggaanka Mpekitoni ee jaziiradda loo dalxiis tago ee Lamu ee dalka Kenya, ayaa sheegaya inuu sii kordhay khasaaraha weerar culus oo xalay halkaasi lagu qaaday.
Rag ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan oo deggaankaasi xalay weerar culus ku qaaday ayaa la sheegayaa inay la wareegeen Saldhig Booliis iyo Hoteello dalxiis oo ku yaalla deggaankaasi, kadib 4 Saacadood oo dagaal xidhiidh ahi ka socday halkaasi.
Sida ay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan tirada dhimashada ayaa haatan maraysa 50 Ruux, halka dhimashaduna ay intaasi ka badan tahay. Waxaanay kooxdaasi ay gubeen Saldhig Booliis, 2 ka mid ah hoteellada dalxiiska, kaalin shidaal iyo goob lagu baadho dadka.
Kooxdan weerarka geysatay ayaa la sheegayaa inay dagaalkaasi ku qabsadeen hub fara badan iyo weliba gaadiid ay lahaayeen ciidamada booliiska dalka Kenya. Waxaana la sheegaya in dadkii la laayey badankooda lagala baxay saldhigga iyo hoteellada dalxiisa.
Sida wararkii ugu dambeeyey ee ay qorayaan warbaahinta Kenya Sheegayaan waxaa gebi ahaanba si nabad ah goobtaasi uga baxsaday kooxihii weerarkaasi geystay. Kuwaasoo halkaasi kala hulleelay hawl-gal u muuqda mid ay ku guulaysteen. Waana kuwan sawirradii khasaaraha weerarkaasi:-