“Sadexda Xisbi qaranba hawl wanaagsan ayay qabteen waanan ku hambalyaynayaa’dadweynahana waxaan leeyahay…” Wasiir Faratoon
Hargeysa(Hubaal):- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa sheegay in guud ahaan goobaha codbixinta doorashada Madaxtooyada Somaliland in ay qalabkii iyo shaqaalihiiba ay ku sugan yihiin isla markaana ay mar dalka ka wada bilaabmayso codbixnta Doorashada Madaxtooyadu goobaha oo dhan.
Waxaa kaloo uu hambalyeeyay Wasiirku sadexda Xisbi qaran ee UCID,KULMIYWE iyo WADDANI oo uu sheegay in ay si wanaagsan u soo afjareen ololihii isla markaana dadka u sheegeen iyagoo midaysan in guusha ugu weyn ee doorasahda laga filayaa in ay tahay qaranka oo nabad ah oo dorta hoggaan isla markaana ay diyaar u yihiin in ay cidda soo baxda u hambalyeeyaan.
Waxaa kaloo uu intaa ku daray in natiijada doorashadan ka soo baxdaa in ay noqonayso mid Somaliland wax weyn u tarta oo soo dedejisa aqoonsi buuxa oo ay caalamka ka hesho isla markaana ay tahay tijaabadii ugu dambaysay ee Somaliland caalamku ku eegayay.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu caawa(xalay) khadta taleefanka ku siiyay degelka wararka ee wararka ee Xogsoor Media.Net
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay siday aroorta mar uga wada bilaabmi karto guud ahaan goobaha codbixinta doorashada dalka oo dhan ,ayaa ku jawaabay. “Guud ahaan goobaha codbixinta doorashada Madaxtooyada ee dalka oo dhan way gaadheen qalabkii iyo shaqaalihii iyo ciidamadiiba waana diyaar wax dhibaato ah oo ka taaganina ma jirto subaxa aroorta ahna mar ayay dalka oo dhan ka wada bilaabmaysa,ciidanada qalabka kala duwan ee dalkuna si fiican ayay heegan u yihiin waanay shaqaynayaan wax dhibaato ah oo goobaha codbixinta ee dalka iyo wax cabasho ah oo ka jiraana ma jiraan xaaladuna waa nabad gelyo.”
Wasiirka oo ka jawaabayay siday asxaabta qaranka ololihii ka dib ay u wada shaqaynayaan,ayaa ku jawaabay. “sadexda Xisbi qaranba waan ku hambalyaynayaa hawsha wanaagsan ee ay qabteen iyo sida fiican ee ay ololihii u soo afjareen ee ay dadka iyagoo gacmaha is haysta ula hadleen ee ay ugu wacyigaliyeen in guushu ay ka wayn tahay shaqsi la doorto laakiin ay tahay in qaranka Somaliland ay guul u tahay sida ugu wanaagsan ee ay doorashadu u qabsoonto isla markaana u caddeeyeen in ay isu hambalyaynayaan hadba kii soo baxa.”
Waxaa kaloo uu wasiirku farriin u diray guud ahaan shacabka Somaliland oo uu ku adkeeyay in ay nabad gelyada adkeeyaan. “guud ahaan bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay si wanaagsan ayuu oloihii inoogu soo dhamaaday codbixintii ayaynu u dareeraynaa markaa qof kastaaba waa in uu si nabad ah oo aan dhibaato lahayn in ay u codeeyaan isla markaana ay gacanta ku codeeyaan ishana kula socdaan sugnaantra ammaanka waxkasta oo ay ka shakiyaana soo gaadhsiiyaan ciidanka ammaanka.”waxaa uu ugu dambayn ka hadlay doorashada Madaxtooyada Somaliland ee loo dareerayaa in ay tahay imtixaankii ugu dambeeyay ee Somaliland qaran ahaan iyo umad ahaanba ay maraan isla markaana u horseedi lahayd in dalku aqoonsi buuxa caalamka ka helo. “Inbadan ayay caalamku iska dhego tireen qarankan Somailand iyo dadkiisaba isla markaana la duudsiyay xuquuqdooda dawladnimo laakiin doorasahda maanta ayaa ah tii ugu dambaysay ee ay Somaliland aqoonsi caalamka kaga heli lahayd.caalmkana waxaanu leenahay Somaliland waa qaran jira oo ah dal madaxbannaan isla markaana ka dimuquraadisan kana nabad gelyo badan dalal badan oo la buun buuniyo waxaaana waajib ku ah beesha caalamku in ay qirto oo ay ogolaato qarannimada Somaliland.”
Wasiirka oo ka hadlayay hadal maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo ah in dadka magaalada Buuhoodle ay kaadh la,aan codaynayaan isla markaana iyagoo aan is diiwaan gelin ay codaynayaan,ayaa yidhi. “ma jirto meel Somaliland ka mid ah oo ay ka codaynayaan dad aan kaadh haysan gudaha magaalada Buuhoodlena cidi iskama diiwaan gelin lagamana codaynayo.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo u warramayay degelka Wararka ee Xogsoor Media.Net