Warbaahinta African Arguments oo Shaacisay Kaalinta Dekedda Berbera ka Qaadanayso Isbeddelka Geeska Afrika

0
16

Hargeysa(Hubaal)-Mareegta caanka ah ee   African Arguments ayaa shalay warbixin ka qortay faa’iidada ay Somaliland u leedahay casriyeynta dekedda Bebera oo lagu wado inay noqoto marinka  mandaqada Geeska Afrika.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay  qormada  ay daabacday  shabakada  African Arguments oo fallan-qeysa siyaasadda iyo dhaqaalaha qaarada Afrika, oo si mug leh  u sharraxday ahmiyada weyn ee Somaliland ugu fadhido heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World.

Africa Arguments waxay  sheegtay in Somaliland ay ku talaabsatay  dimuqraadiyad iyo deganaansho siyaasadeed, inkastoo ay haystaan caqabado dhaqaale oo ay ka mid tahay shaqo la’aantu. waxa kaloo ay intaas ku dartay in  xukuumadda Somaliland ay  rajaynayso in  heshiiska ballaadhinta dekeddu ay abuuri doonto fursado shaqo oo badan.

African Arguments waxay iftiimisay in deked cusub oo  400 oo  mitir ah ee laga dhisayo Berbera ay dekedaas ka dhigi doonto mid xuddun u ah ganacsiga Geeska Afrika, isla markaana kor u qaadi doonto dakhliga dawladda Somaliland.

Warbixintu waxa lagu xusay in madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi booqashadii uu ku tagay imaaraadka carabta ay ka wada hadleen xoojinta cilaaqaadka labada dal. Iyadoo wasaaradda Arrimaha Gudaha ee imaaraadka carabtu  ogolaatay dhawaan  in fiisayso in muwaadiniinta reer Somaliland dalkeeda ku soo galaan baasaboorka Somaliland.

Ugu dambayn waxa warbixinta shabakada African Argument  lagu sheegay in dawladda Itoobiya oo dadkeedu gaadhayaan 100 milyan  ay dani ugu jirto  heshiiska dekedda Berbera oo ay ku leedahay saami ah 19%. Waxaana mashruuca dekedda Berbera ku jira in la dhiso jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo ay ku baxayso lacag lagu qadaray 300 oo Milyan oo doolar.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here