By: Cumar M. Faarax
Faallo uu qoray Arbacadii 07/02/2018 Xuseen Faarax oo ah mulkiilaha mareegta Horseed Media oo laga leeyahay maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya oo ciwaankeedu ahaa “Ma ku habboon tahay Federaalka inuu xiligan Wadahadal la galo Somaliland?” Maqaalkani wuxuu daaha iiga fayday werwerka la soo dersay maamulka Garoowe oo ku baraarugay in Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhammaaday dulqaadkii iyo deris wanaaggii ay xeerinaysay muddo labaatan sannadood ku siman.
Maqaalkani wuxuu iftiimiyey kurbada iyo kayr-kayrka maamulka Cabdiweli Gaas oo gacantooda toddobaadkan ay ka baxday degmada Boocame ee gobolka Sool oo ay dool ku joogeen maleeshiyaadka Puntand.
Xuseen Faarax qalinkiisu wuxuu ka dareen celiyey mowqifka maamul-goboleedka Garoowe oo ka soo horjeeda wada-hadalladii istaagay ee Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu wado inay dib u bilaabmaan dhowaan. Wadahadalkaas oo ay horayso iyo dambaysaba Puntland kaalin siyaasadeed oo ay ka ciyaarto ka weyday, waxaan shaki ku jirin inaanay imikana hadal uga furnayn.
Mareegta Horseed inkastoo ay ka masuugto horusocodka Somaliland waxay haddana si dadban u qirtay in Somaliland tahay dawlad ka dubaalad dheer dawladda Muqdisho ee ku tiirsan taageerada ciidammada shisheeye. Waa run oo Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku naaloonaysaa dawladnimo raasamaal ah oo ummaddeedu nasiib u heshay inay madaxdooda iyo goleyaashooda kala duwan ku cugtaan gacantooda [one man one vote].
Xuseen Faarax waxa uu ku dooday in xiligan aanay ahayn munaasib in dawladda Soomaaliya wada-hadal la yeelato Somaliland, isagoo u daliishaday shan qoddob oo aan runta caarro ku lahayn, waxaanu ku andacooday in dagaalka Sool ay xukuumadda Muuse Biixi ugu talogashay inay indhaha iskaga jeediso wax uu ugu yeedhay mucaaridad kaga oogan [gudaha Somaliland] Taas oo ah been abuur aan caadi ahayn.
Horseed Media, waxay ka dhacsan tahay in Somaliland ka mid tahay dawladaha faro ku tiriska ah ee mandaqada ka jira ee awood dhaqan iyo mid siyaasadeedba u leh inay khilaafaadkooda ku xalistaan si maxali ah oo aanay kaalmaynaynin gacmo shisheeye.
Sidoo kale, waxa Xuseen yare aanu xog ogaal u ahayn in Somaliland tahay mid xushmaysa dimuqraadiyada, xoriyatal-qowlka iyo dhawrista xuquuqda aadanaha oo ay tahay sifooyinka togan ee ay dheer tahay Soomaaliya oo dhan.
Qorshaha xuduudaha Somaliland:
Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi, waxa ka go’an inuu sugo oo soo xidho xuduudaha Somaliland ay la wadaagto Soomaaliya. Inkasta oo Somaliland ay ahmiyada kowaad siiso nabadgelyada, waxa madaxweyne Muuse nidar ku maray in aanay taako dhul ah ku doorsan doonin nabadgelyo.
Waxa la gaadhay wakhtigii xaqiiqda la wajihi lahaa ee Puntland ay awoodeeda tallaabsan lahayd. Waxaa halku-dhiga Somalilad isu beddelay ‘in aan dib looga wada hadal Tukaraq ee lagu wada hadlo Garoowe’
Wada-hadalka Somaliland & Soomaaliya:
Dawladda Somaliland waxay mowqif cad ka taagan tahay wadahadalka ribadey ee u socday Soomaaliya, taasi oo ah inay ugu dambaynta ka soo baxdo ‘In Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan laba dal oo jaar ah.’
Waxa kaloo wareegyada dambe ee wadahadalka ay ka qaybgalaysaa Somaliland haddii ay ka soo xaadirayaan dalal badan oo ka garnaqi kara wada hadalka. Sidoo kale Somaliland ma aqbalayso in wada-hadalku ay la yeelanayaan dawladda Muqdisho ay noqdaan qaar sii jiitama sidii hore u dhici jirtay.Somaliland hoos uguma soo noqonayso maamulka Garoowe ee duruuftu u run sheegtay, waxase aan ku soo xidhayaa tix ku jirtay maansadii kala-maan ee Abwaan Hadraawi oo ahayd:
“Naftu way ka maagtaa
Godka lagu muquunshoo
Maaray ka dhigataa
Inay maahda caal waa
Meermeerka badisoo
Marmarsiinyo keento”