Warbixin Ay Dawladda Itoobiya Kasoo Saartay Qoddobadii Ay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Reysal-wasaaraha Dalkaasi Attoo Hailemariam Kawada Hadleen

0
183

Wakaallada Wararka   Itoobiya Ee ENA Oo baahisay Warbixin Uu xafiiska Raysal-wasaaraha Dalkaasi Kaga hadlay Kulankii Shalay Uu Hailemariam Ku Qaabilay Muuse Biixi iyo Weftigiisii

 

“Waxa shirkan lagu gorfeeyay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya ee  ku wajahan Ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo qodobbo la xidhiidha doorashada Somaliland ka qabsoomaysa  iyo sidii loola diriri lahaa argagixisada” – Farqad kamid ah Qoddobada Laga Wada-hadlay

Addis ababa (Hubaal/ENA):-Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo oo dhawr maalmood ah ku tegey dalkaasi, isla markaana shalay dalka dib ugu soo laabtay.    Wakaallada wararka ee Itoobiya ee ENA, ayaa warbixin ka qortay kulanka Ra’iisul-wasaare  Hailemariam Desalegn  la yeeshay Weftigii Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, warkaasi oo  ay ciwaan uga dhigtay “Itoobiya iyo Somaliland oo kor u qaadaya Cilaaqaadkooda” . warbixintaas oo Weriye Cumar M. Faarax soo turjumayna waxaa ay u dhignayd sidan:   “Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socday Somaliland  ayaa  falanqeeyay  sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac. Itoobiya iyo Somaliland ayaa iska kaashada dhinacyada Ganacsiga, Kaabeyaasha  dhaqaalaha iyo arrimaha nabadgelyada.

Kulankii maanta [shalay] dhexmaray Ra’iisul-wasaare Hailemariam iyo  weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Guddoomiyaha xisbal xaakimka KULMIYE ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu lafo-guray  sidii si horleh kor loogu qaadi lahaa cilaaqaadka labada dhinac.  Waxa shirkan lagu gorfeeyay  doorashada Somaliland ka qabsoomaysa  iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya ee  ku wajahan Ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo qodobbo la xidhiidha dekedda. Sida uu wakaallada ENA u sheegay  madaxa warbaahinta ee xafiiska  Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Zadg Abreha,  waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loola diriri lahaa argagixisada oo ay ka mid tahay Al-shabaab iyo  in  iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya  kor loogu sii qaado.  Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u caddeeyay  ENA  in weftigoodu ay wadahadallo  wanaagsan la yeesheen Ra’iisul-wasaare Hailemariam oo isla soo qaadeen  taabogelinta xidhiidhkii jiray ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland.  Maxamed Kaahin waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay doonayso in iskaashigii ay la lahayd Itoobiya  ee dhaqaalaha iyo siyaadadda  la sii ballaadhiyo, waxaanay sii adkayn doontaa  cilaaqaadka labada dhinac gaar ahaan  ganacsiga iyo nabadgelyada.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here