Warbixin Iftiimisay Kooxda Hoggaaminaysa Dilalka Ugu Badan Ee Xagjirka

0
22

New York  (Hubaal-W/wararka)-Warbixin cusub ayaa sheegaysa in Boko Xaraam ay haatan ka horeeyaan kooxaha gacan saarka la leh ee loo yaqaan dawladda islaamiga, oo ay noqdeen kooxda ugu dilka badan dunida. Warbixinta oo magaceedu yahay “Tusaha argagixisada dunida”, ayaa hoosta ka xarriiqday in 30% dilalka la xidhiidha qalalaasaha Boko xaraam ay kordheen tan iyo sannadkii hore.alshabaab

Warbixinta oo uu soo saaray machadka dhaqaalaha iyo nabadda ee fadhigiisu yahay New York, ayaa muujinaysa in tan iyo wakhtigaas ay weerarradu laba jibaarmeen, iyadoo khasaaraha xoogiisana uu u badan yahay dalalka Ciraaq, Nigeria, Afghanistan, Pakistan iyo Suuriya. Warbixinta ayaa sheegaysa kooxda loogu yeedho dowladda Islaamiga iyo kuwa la halmaala iney mas’uul ka yihiin kala badh dhimashooyinka la xidhiidha argagaxisnimada daafaha dunida ka dhaca. iyadoo halka ugu daran ay tahay Ciraaq, ayaa Nigeria waxay noqotey dal ay kusoo kordheen dhaq dhaqaaqyada argagaxisnimo sanadkii 2014-kii. Boko Haram oo sidoo kale loo yaqaano laanta Galbeedka Africa ee IS – ayaa qaadey kala badh labaatankii weerar ee u xumaa sanadkii hore. weerarada waxaa ka mid ah hareereyntii magaalada Gamboru Ngala ee Nigeria. In ka badan 300 oo ruux ayaa lagu diley, sidoo kale waxaa lagu dhaawacey tiro intaas ka badan, iyadoo magaalada inteeda badanna la burburiyey.

Sidoo kale, liiska waxaa qeybaha sare kaga jirey qulqulatooyinkii ka dhacey Koonfurta Sudan, iyadoo intii lagu guda jireyna ay fallaagadu dileen dad aad u tiro badan kuwaasoo gabbaad ka dhiganayey masjid ku yaalla magaalada Bentiu. Dalalka ay ka dhaceen kiisaskii argagaxisnimo ee ugu xumaaa, sidoo kale waxaa ka dhacey barakacyadii ugu badnaa, taasoo tilmaameysa iney si xoog leh isugu xidhan yihiin weerarada noocaas ah iyo mashaakilka qaxootiga. Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in waxyaabaha dhaliya argagaxisnimada ay ku kala duwan yihiin dalalka horumarey iyo kuwa uu yar yahay horumarkoodu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here