Warbixin Ay Warbaahintu Heshay Oo Soo bandhigtay Saadaasha Guud Ee Tiradii Iska Diiwaangelisay Lixda Gobol Ee Waaweyn Iyo Qaar Ka Mid Ah Natiijada Degmooyinka Bariga Somaliland
Warbixin Jaantus Ku Muujisay Natiijada Tirakoobkii Doorashada ee Dalka Ka Qabsoomay Iyo Hor Dhaca Tirada Guud ee Iska Diiwaangelisay Gobollada Iyo Degmooyinka
Hargeysa (Hubaal)- Wargeyska HUBAAL Oo Ka Shidaal Qaadanaya Xogo Hor dhac ah oo ay warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland gaar ahaanna degelka wararka ee Somalilandrise.com uu helay ayaa farta ku fiiqay saadaal guud mar ah oo ku saabsan qaabkii ay diiwaangelintii codbixiyeyaasha Somaliland uga qabsoontay dalka gaar ahaanna sida ay liiska tirakoobka u kala galeen gobollada dalku. Warbixintan ooh or dhac ah ayaa wallow aanay warbixintu sugin halka laga helay iyo sida loogu kalsoonaan karo haddana annaga oo ka taamilo qaadanayna sida ay ra’yul-caamka bulshadu ugu jeellan yihiin inay wax ka ogaadaan tirade guud ee diiwaangelinta iyo sida ay uga kala qabsoontay deegaannada kala duwan ee dalka ayaanu door bidnay inaanu akhristayaashayada ku xidhan degelka Warbaahinta Hubaalmedia.net u soo bandhigno hordhaca xogta saadaalisay natiijada tirakoobkii codbixiyeyaasha ee mudada ka socotay gobollada dalka, kaasi oo ay komishanka doorashooyinku gacanta kuhayeen, isla markaana natiijada kama dambaysta ah ee diiwaangelinta iyaga laga sugayo inay kumeel gaadh ahaan u soo bandhigaan, sidoo kalena ay qaybiyaan kaadhadhkii laga sugayay.
Halkan hoose ka akhri Sadaasha guud ee Gobollada Somaliland iyo degmooyinka ee diiwaan gelintii codbixiyeyaasha doorashooyinka, kuwaas oo u kala hormeysan gobol-gobol.
- Gobolka Maroodi-jeex ayaa warbixintu tibaaxday inay kaadhka tirakoobka doorashada ka qaateen dad cadadkoodu yahay saddex boqol iyo laba iyo toban kun oo qof [312,000].
- Gobolka Tog-dheer ayaa isagana ay warbixintu tibaaxday inay kaadhka tirakoobka doorashada ka qaateen dad cadadkoodu yahay Boqol iyo toddobaatan iyo siddeed kun oo qof [174,000].
- Gobolka AWDAL ayaa warbixintu tibaaxday inay iska diiwaangeliyeen Boqol iyo afartan iyo toddoba kun oo qof [147,000].
- Sidoo kale gobolka Sanaag ayaa ay 85,000 [Siddeetan iyo shan kun] oo qof iska diiwaangeliyeen.
- Warbixintu waxaa ay isagana gobolka Saaxil sheegtay inay siddeed iyo toddobaatan kun oo qof [78,000] iska diiwaangeliyeen.
- Gobolka Sool 71,000 Ayaa iska diiwaan galiyey.
Geesta kale Warbixintani waxaa ay Qaab Jaantus ah ku muujisay liistada Heer degmo sida ay diiwaangelintu uga dhacday, waxaanay u dhigan tahay sidan:
Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex [Waxaa ku jira gobolladii cusbaa ee hore uga tirsanaan jiray Maroodijeex]
- Degmada Hargeysa waxaa iska diiwaangeliyey Laba boqol iyo labaatan iyo saddex kun oo qof [223000].
- Degmada Gabilay waxaa iska diiwaangeliyey Kontan iyo siddeed kun oo qof.
- Degmada Sallaxley waxaa kaadhka codbixinta qaadashadiisa isu diiwaangeliyey dad ay warbixintu sheegtay in ay tiradoodutahay Toddoba iyo toban kun oo qof [17000].
- Degmada Balli-gubadle ee gobolka Hawd waxaa iska diiwaangeliyey ayay warbixintu sheegtay dad tiradoodu tahay toban iyo shan kun oo qof [15000].
Degmooyinka Hoos taga gobolka Sool
- Laascaanood………………………………….29,558
- Caynaba…………………………………………31,052
- Xuddun……………………………………………5,341
- Taleex……………………………………………..5,145
Wadar Guud: 71,096
Fiiro Gaar ah: Qaabka degaameysan ee Tirada Degmada Laascaanood [29,558] loo kala helay:
- Goobaha degaanada Hawdka [oo ay ku jirto degmada Ceegaag] iyo Ma Dareemin [Waqdari, Muuse Yuusuf, Abyan, Gebidheere, Agoonta Gabdhaha, Cali Barre, iwm]………………………………21,321 =[72%]
- Goobaha degaanada degaanada Nugaasha [Tuulo Samakaab, Adhicadeeyey, Yagoori, iwm] iyo goobaha Laascaanood ee xidhiidhka la leh [Gobolka, D/Hoose, Bisha Cas, Xero Qaad, Istobta Bari, iwm]………………………..8,237 = [28%]
GOBOLKA SANAAG:
- Ceerigaabo……………………………………..50,432
- Ceel Afweyn……………………………………17,962
- Garadag………………………………………….12,203
- Badhan……………………………………………..4,625
Wadar Guud: 85,222