Wargeyska Indian Ocean ayaa maalintii shalay ee axada ahayd soo bandhigay warbixin si qoto dheer uga hadleysa doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.
Wargeyska oo si gaar ah tooshka u saaray qormadiisan koowaad xisbiga Wadani ayaa si balaadhan u qaadaa dhigay haykalka hogaanka Xisbiga Wadani isagoo si weyn uga hadlay waxa uu ugu yeedhay mus-dambeedka uu sheegay inay yihiin koox siyaasiyiin,madax dhaqameed iyo ganacsato isugu jira.
Qormadan uu soo tarjumay weriye Cabdillahi Bashiir Soobe ayaa u dhigneed sidan:
Dalka iskii ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland ayaa la filayaa inay ka qabsoonto doorosho in badan loo haqal taagayey taas oo ku beegan inay dhacdo 13-ka bisha Noofember ee sanadkan 2017-ka.
Wargeysku wuxuu maalmaha soo socda usoo bandhigi doonaa qormooyin taxana ah oo aynu maalinba kaga hadli doono sadexda xisbi mid ka mid ah, anagoo qormadan koowaad ku bilaaba doona xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.
Xisbiga Wadani ayaa ah xisbiga ugu da’da yar ee ka qeyb galaya doorashadan.
Waxa la ogyahay in xisbigani uu si deg deg ah u hantiyey qaacidad balaadhan oo taageerayaal ah.
Qaab dhismeedka xisbigan ayaa ka duwan gebi ahaanba sidii looga bartay xisbiyada Somaliland.
Xisbiga Wadani wuxuu leeyahay hogaan sare oo ka kooban Gudoomiye,Gudoomiye ku meel gaadh ah iyo xil ku cusub xisbiyada Somaliland oo ah xilka Hogaamiye…
Intaa waxa u dheer xisbigan awood kale oo ah waxa loo yaqaano Mus-dambeed…
Xubnaha loo yaqaano mus-dambeedka waxay isugu jiraan siyaasiyiin,madax dhaqameed iyo ganacsato.
Arinta keliya ee mideysa xubnaha musdambeedka waa keliya inay ka soo wada jeedaan beesha Musharaxa Madaxweynaha Cabdiraxman Cirro.
Hadaba qormadan waxaynu si gaar ah diirada u saari doonaa sababta iyo ujeedada loo sameeyay guddida musdambeedka. Sida aynu hore u soo aragnay musharax kasta wuxuu leeyahay la taliyaal u gaar ah oo kala taliya mid waliba waxa uu aqoonta u leeyahay, Arinta mus-dambeedka ayaa gebi ahaanba ka duwan arimaha loogu tala galay la taliyaasha kale ee xisbiyadu leeyihiin.
Inta aynaan u gudbin ujeedada loo abuuray guddida musdambeedka bal aynu yara dul istaagno qeybo ka mid ah awoodaha guddidan musdambeedka.
-Waxa ka mid ah awoodaha guddidan inay mar walba iyagu yeeshaan ogolaanshaha ugu dambeeya go’aanada ee gudoomiyuhu gaadhayo.
-Waxay awood buuxda u leeyihiin inay soo magacaabaan dhamaan xubnaha golaha sare iyo golaha dhexe.
-Waxay awood u leeyihiin inay go’aan ka gaadhaan dhamaan arimaha la xidhiidha dhaqaalaha iyo kharashaadka xisbiga.
-Waxay awood u leeyihiin inay soo ansixiyaan khudbadaha iyo wareysiyada musharaxa madaxweynaha.
Hadaba waxa laga yaabaa in qofku isweydiiyo sababta keentay in guddidan la abuuro iyo baahida xisbigu u qabo jiritaankooda., Xog iyo baadhitaan badan oo wargeyska Indian Ocean sameeyay ka dib waxaanu soo helnay macluumaad ku saabsan xeeladaha iyo ujeedada loo aasaasay Musdambeedka. Ka dib markii beesha uu ka soo jeedo musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Wadani ay isku raacday inay taageero buuxda siiyaan Mr.Cirro ayaa waxa la daba dhigay shuruudo badan oo ay kow ka ahayd abuurista guddidan musdambeedka.
Sababta ugu muhiimsaneed ee loo cuskaday jiritaanka guddidan ayaa loo sibir saaray in gudoomiye Cirro yahay nin aad u qabow iyo weliba xaalad caafimaad oo isaga u gaar ah.
Dabeecada gudoomiye Cirro maaha mid dadka ka qarsoon oo waa laga dheregsan yahay inuu yahay nin qabow., Arinta laga yaabo in dadka intiisa badani aaney ka war hayn ayaa ah in musharaxa madaxweyne ee Wadani Mr.Cirro uu in muddo ahba la tacaalayey laba xanuun oo aanu marnaba uga maarmeyn sii jiritaanta Musdambeedka.
Mudane Cirro ayaa in muddo ah lagu ogaa xanuun wadnaha ah kaas oo hayey laga soo bilaabo sanadkii 2007.
Waxa jirtay inuu tiraba sadex jeer uu qaliino kala duwan ugu tagey dalka dibadiisa,waxaana ugu dambeyay qaliinkii uu ku galay dalka Turkey horaantii sanadkan.
Qaliinkii ugu dambeeyay waxa gudoomiyaha loo soo geliyey wadnaha aalada la yidhaahdo PACEMAKER…
Xaaladan wadna xanuunka ah ayaa inta badan u baahan degenaansho iyo in laga ilaaliyo goobaha xiisad ka dhalan karto ama ku kalifi karta inuu cadhoodo.
Sababta labaad ee keentay baahida loo qabo musdambeedka ayaa ah in gudoomiyuhu uu sadexdii sano ee ugu dambeeyay uu hayey xanuunka loo yaqaano Dementia ama ilowshiyaha.
Xanuunka Dementia ah ayaa u qeybsama dhowr marxaladood oo kala culus.
Gudoomiye Cirro ayaa laga helay qeybta loo yaqaano (Early-Stage) ama (Moderate Cognitive Decline.)
Noocan ayaa qofka uu haleelo ku keenta inay ku adkaato xasuusta dhacdooyinka iyo magacyada iyo weliba inuu qofku keligii maareeyo nolol maalmeedkiisa gaar ahaan safarada iyo maareenta dhaqaalaha.
Waxa dhacday dhowr jeer in gudoomiyuhu uu lumiyey ama uu garan kari waayey meel uu dhigay baasaboorkiisa gaarka ah,waxaana ugu dambeysay bishii Februar ee sanadkan mar uu booqasho ku joogay dalka boqortooyada Ingiriiska .
Dhamaan warbixinta la xidhiidha xaalada caafimaad ee gudoomiye Cirro waxaanu ka soo ogaanay qaar ka mid ah qoyskiisa iyo xubno ka mid ah musdambeedka.
Ugu dambeyntii waxaanu hoosta ka xariiqaynaa in ay adkaan doonto in musharaxani uu keligii maamulo madaxtooyada ama uu gaadho go’aamada looga baahan yahay madaxweynuhu inuu gaadho.
Waxaa Soo Tarjumay Saxafiga Madaxa Banaan:
Cabdillahi Bashir Soobe
Helsinki Finland