Hargeysa (Hubaal) Dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay abaartii ugu dambeysay ee Soomaaliya ka dhacday ayaa soo kabanaya, kaddib markii deeq-bixiyeyaasha ay maalgelinta u weeciyeen dhanka mashaarciida degdegga ah oo ka caawiya dadka deegaanka inay keydsadaan lacag iyo cunto, sida ay sheegtay hay`ad gargaar.
Abaar daran oo ku dhufatay Soomaaliya ayaa la filayaa inay sii jirto ilaa laga gaadho xilli-roobaadka bisha October. Dadka ka shaqeeya arrimaha bini`aadannimada ayaa isku dayaya inay ka fogaadaan inay soo laabato macluushii sanadkii 2011, markaas oo in ka badan 250,000 oo qof ay macluul u dhinteen.
Deeq ka timid deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn, oo ay ku jiraan Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub ayaa si habboon gudaha Soomaaliya loogu maal-geliyay bakhaarro cunto iyo barnaamijyada keydsiga iyo deymaha, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay`adda Refugees International.
In si hagaagsan loo isticmaalo deeqdaasi ayaa u suurto geliyay hay`adaha ka howl-gala Soomaaliya inay u wareegaan mashaariicda diyaar-garowga degdegga ah, kaddib markii ay caddaatay bishii June ee sanadkii 2016 in abaartu ay sii daba dheeraan doonto.
Hay`adda ayaa sheegtay in deeq-bixiyeyaashu ay u fududeyd inay lacago u diraan hay`adaha jooga Soomaaliya, sababtuna ay tahay in qandaraasyo haysteen.
In ka badan lix milyan oo Soomaali ah – ku dhowaad kala bar bulshada dalka ku nool – ayaa u baahan gargaar degdeg ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Refugees International ayaa xustay in calaamad kale oo horumar ay muuqato tan iyo macluushii 2011-kii, taas oo ah qorshaha horumarinta qaranka ee dowladda iyo codsiga gargaarka bini`aadannimo ee Qaramada Miboobay ee ku wajahan mashaarciida dib u dhiska muddada fog.
Marka laga soo tago qorsheynta muddada fog, Soomaaliya waxay u baahan tahay dowlad xooggan iyo nabad si loo soo afjaro xasaradaha gaajada, sida uu sheegay Mark Yarnell, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Refugees International.
Koofurta Soomaaliya ayaa heleysa roob ka yar intii ay heli jirtay, taas oo saameyn ku yeelatay beeralleyda saboolka ah, sida warbixinta lagu sheegay.