Warbixin Si Waafi Ah Uga War-celinaysa Qaabka Loo Naqdiyo Badaha Kala Duwan Ee Suugaanta, Gaar Ahaanna  Heesaha Iyo Maansooyinka

0
52

Hargeysa (Hubaal)-Naqdida suugaanta isugu jira heesaha, riwaayadaha, gabaya, qoraallada iyo waxa la midka ah, ayaa looga dan leeyahay in wax lagaga beddelo qaabka loo hindisay hal-abuur nooca uu doono ha ahaadee, iyadoo ujeeddadu tahay in la hagaajiyo.Naqdqiga ayaa caalamka muddo dheer ka jiray iyadoo Soomaaliyana siiba xilligii kacaanka uu naqdiga iyo faaf-reebka suugaantu  isbarbar socdeen.

Haatanna muddo-dheer ka dib waxa si firfircoon u soo noolaanaya naqdiga hal-abuurka. Haddaba, su’aalo kala duwan ayaa taagan qaabka naqdinta oo ay ku jiraan;

  1. Waa wax naqdin kara?.
  2.  Waa maxay qaabka iyo asluubta loo baahan yahay in loo maro marka wax la naqdinayo?.
  3.  Habkee ugu mudan oo heesaha loo naqdiyaa?.
  4.  Maxaa la rabaa in naqdinta lagu saleeyo?.
  5. Heesihii hore sidee loo naqdin jiray?.
  6. Maxaa naqdinta ka dhasha?.
  7. Yay dan u tahay nadintu?.
  8. Goormaa la samaynayaa?

Si Haddaba Weydiimahaas oo idil uga war celino, Waayo aragnimo kale oo badanna  uga helno mawduucan waxa Aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Muuq iyo Maqal ah oo Aanu kasoo Xiganay degelka wararka ee Tooshnews.com, kaasi oo lafo guraya qaddiyadan.  Waa Barnaamij Uu Diyaariyey Weriyaha Qoraagana ah ee Cabdi-shakuur Xaaji Maxamuud Muuse Oo Heer-sare Loo yaqaanno, kaasi oo isaga oo ku sugan Magaaladda Hargeysa, si mug leh u diyaariyey warbixintan.

Daawasho Wacan

Warar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here