Waajibaadka Xafiiska Q. Midoobay Ee Cusub, Qorshayaasha Iyo
Ujeedooyinka Uu Fulinayo Ee Khilaafsan Qadiyada Iyo Madaxbanaanida
Somaliland, Warbixin: By. Carraale M. Jama Journalist and Human
Rights Activist.
Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ee Somalia oo xanbaarsan
qorshayaal iyo istiraatiijiyad siyaadeed oo ku waajahan Siyaasada
Somalia, waxa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u magcaabay 29 April
2013, Sir Nicholas Kay oo ah Diblamaasi sare oo u dhashay Dalka
Boqortooyada Britain, isla markaana khibrad iyo waayo aragnimo u leh
Qaarada Afrika iyo meelo kale oo dunida ah oo uu kasoo shaqeeyay.
Sir. Kay, waxaa dhabarka loo saaray hawlo siyaasadeed oo baaxad leh
iyo kuwo dhinaca gargaarka ah oo xafiiskiisa laysugu geeyay, waxaana
Waajibaadka iyo xilka loo igmaday Xafiiska UNISOM, ee Somalia
noqonayaa mid fulinaya qorshaha cusub ee Qaramada Midoobay ee ku
waajahan Somalia, isagoo taageero siyaasadeed siinaya Dowladda
Federaalka iyo Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo
soo gaabiyo (AMISOM).
Sidoo kale waxa waajibkiisu yahay Xafiiska cusub ee UNISOM,
xidhiidhinta hawlaha nabadaynta, dib u dhiska Hay’addaha dawlada
Federaalka, kuwa amniga dib u habayntooda, ku dhaqanka sharciga iyo
dib u dejinta ciidamada kasoo goosta Al-shabaab.
Waxa kale oo waajibaadka xafiisaka UNISOM, ka mid ah sidii dib loogu
dhisi lahaa, isla markaana loo horumarin lahaa nidaamka iyo hanaanka
Federaalka si dhabbaha loogu xaadho in marka la gaadho sanadka 2016,
Somalia loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Ujeedooyinka loo aasaasay iyo waajibaadkiisa shaqo waxa sidoo kale ka
mid ah dhawrista iyo ilaalinta arrimaha xuquuqda Aadamaha ee Somalia,
taageero awood lagu siinayo Haweenka, Ilaalinta iyo daryeelka
caruurta, ka hortaga xadgudubyada xuquuqda Aadamaha ee dhibaatooyinka
Kufsiga iyo xoojinta Hay’addaha Cadaaladda ee dawlada Federaalka
Somalia, waxaana waajib ah inuu warbixin u gudbiyo Golaha amaanka
marka ay dhacaan xadgudubyo iyo gaboodfalo ka dhan ah xuquuqda
Aadamaha.
Hase yeeshee wuxuu Xafiiska UNISOM, kaalinta ugu weyn ka geysnayaa
diyaarinta kobcinta iyo inuu gacan ka geysto abuuridda iyo kicinta
jawiga siyaasadeed oo istaraatiji ah, kaas oo lagu heli karo
xasillooni iyo nabadayn waarta oo geyiga Somalia ka hirgasha, waxaana
ku waajib ah inuu soo abaabulo qaybaha kale ee Qaramada Midoobay iyo
bulshada caalamkaba.
Ahmiyada ugu weyn ee Xafiiska UNISOM, ayaa noqonaya taageerida
ajendaha nabadda, amniga iyo dhismaha qaranka ee Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo in Somalia hore u socoto, wuxuuna gudan doonaa
rabitaanka Dowladda oo ah “Inuu noqdo Albaab keliya ee Qaramada
Midoobay laga galo”, marka laga hadlayo maamulada Somalia, taas oo
AMISOM, si gaar ah ula kaashanay saaxiibada muhimka ah, sida Midowga
Afrika iyo Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo lagu hagi doono Siyaasada
lixda qodob ee Qaramada Midoobay ee salka u ah ujeedooyinka qorshaha
siyaasada ee ku waajahan Somalia, deeqaha gargaarka iyo isku dubaridka
hawlo kale oo baaxadooda leh.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo xafiiskan yagleelay 3 Jun
2013, waxa lagu aasaasay qaraarka tirsigiisu ahaa 2093 (2013),
wuuxuna xafiiska UNISOM , xoojin doonaa iskaashiga iyo
istaraatijiyada ka dhaxaysa Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga
Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Iyadoo labada xafiisba kaalin
firfircoon ka cayaarayaan taageerada loo fidiyo nabadaynta
Soomaaliya.
In kasta oo xiligan xafiiska UNISOM, yahay mid ku jihaysan hawlaha
siyaasada, waxa suurta gal ah inuu ka qayb qaato hawlgalka nabad
ilaalinta ee Somalia, iyadoo loo raacayo Qaraarada golaha amaanka.
Dawlada Faderaalka Somalia oo dhismeheeda iyo taabagelinteeda loo
sameeyay xafiiska UNISOM, ayaa dalbatay in uu Xarumo ku yeesho
Mogadishu, Hargeysa iyo Garoowe, waxaana wejiga labaad loo qorsheeyay
in laga furo deegaamo kale sida Baydhabo, Beledweyn iyo meelo kale
marka la qiimeeyo xaalada amanka ee deegaamadaa.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore ganafka ugu dhifatay qorshe uu Ergayga
gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah masuulka ugu sareeya
UNISOM, ku doonayay in uu sanadkii hore 2013, ka furo caasinada
Somaliland ee Hargeysa, taas oo ku beegnayd booqashadiisii u horaysay
ee uu ku yimaado Somaliland mudo yar ka dib markii xilkaa loo
magcaabat, waxaana arrintaa ka dhadhay khilaaf siyaasadeed oo kala
fogeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Sir Nicholas Kay , balse xukuumadda
Madaxweyne Siilaanyo ayaa si lama filan ah u ogolaatay in caasimada
Somaliland laga furo xafiiskaa. Kadib markii uu kulan saacado qaatay
ku dhexmaray qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland Axmed
Siilaanyo oo ay weheliyaan xubnaha ugu tunka weyn xkuumadiisa iyo
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo madax ka ah.
Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu si cad uma qeexin sababta ku
ajburtay oggolaanshaha xafiiska UNISOM, kaas oo Qorshayaasha Iyo
Ujeedooyinka Uu ka Fulinayo Somaliland yihiin kuwo Khilaafsan
Qadiyada Iyo Madaxbanaanida Somaliland, isla markaana shaki gelinaya
mustaqbalka siyaasadeed ee qaranimada Somaliland.
Warbixin: By. Carraale M. Jama Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Jaamac132@gmail.com