Warbixin Wargeyska The New Statesman Ka Qorey Dawladnimada Somaliland Iyo Aqoonsi Raadinteeda.

0
21

Wargeyska Todobaadlaha ah The New Statesman ee  ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa warbixin ka qoray qaddiyadda madax bannaanida Somaliland iyo hannaanka icitiraaf raadinta, siday baahisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay warkaas.

Wargeyska ayaa  waraysi la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxaanu  tilmaamay in  Somaliland horumar ku talaabsatay muddadaas 27 ka sanno ah.

Majalada ayaa sheegtay in bulshada ku nool Somaliland tahay 3.5 Milyan, waxaanu sheegay in Somaliland la mid tahay dalal badan oo aan la aqoonsanayn  sida Palestine, Turkish North Cyprus, Western Sahara balse Somaliland inay ka duwan tahay ayuu sheegay ,waxaanu  wargeysku xusay  in kasta oo ay tahay dal aan la ictiraafsanayn haddana waa dal jira una shaqaysa sidii dal dhammaystiran oo madax bannaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa waraysigaas uu siiyey jariirada The New Stateman  ku sheegay in Somaliland ka duwan tahay dalal badan oo Africa ah marka la eego Nabada, xasiloonida  iyo hanaanka dimuqradiyadeed ee ka tisqaaday iyadoo ay  Somaliland ka qabsoomeen saddex doorasho madaxwayne oo kala dambeeyay una dhacay si xor iyo xalaal ah taasi oo caalamkuna markhati ka ka noqday kala dambayntii iyo nidaamkii doorashadu u dhacday.

Wargeysku wuxuu  sheegay in Wasiir Sacad Cali Shire  ka walaacsan yahay  siyaasadda dawladda Ingiriiska ee ka taagan tahay  qaddiyadda Somaliland,waxaanu u soo jeediyey  in  xukuumadda Ingiriisku ku dhiirato go’aanka saxda ee la xidhiidha qaddiyada madax-bannaanida Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr.  Sacad Cali Shire ayaa waraysiga uu Wargeyska The New statesman la yeeshay ku sheegay in dawladda Ingiriisku Somaliland u muujisay taageero laakiin, aanay noqonaynin  dalka u horeeya ee dayrka aqoonsiga jabiya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here