Wiigagii u danbeeyay waxaa aad loo hadal hayay , Siyaasiga miisaanka leh ee Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani . kaasi oo hore u sheegay in uu gabi ahaanba ka huleelay Xisbigaasi. ka-dib markii uu Xisbigiisu kala masuugay taageero uu ka filayay inuu ka hello, Maadaama uu ahaa Musharaxiintii u tartamaysey Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland.
Xildh Siciid Cilmi Rooble ayaa markii ay siyaasadda ku kala baydheen Saaxiibaddiisii hore ee Waddani. ismacasalameyntoodii ka-dib waxuu si cad farta ugu fiiqay, halka uu saldhigan doono. taasi oo u muuqatay Xisbigisii uu Halganka dheer u soo galay ee taladda Qasriga Dalka Haysta.
Hadaba Shalay ayuu Xildhibaanku cadeeyey inuu ku biiray Xisbigii uu Hore uga tirsanaan jiray ee Kulmiye. Waxayse is-weydiintu tahay. Xildh Siciid Cilmi maxaa laga filan karaa in uu Xisbul-xaakimka ku soo kordhiyo ? Waa Siyaasi cayn kee ah ? Sidee ayay isku yihiin Bulshada ama shacabka Somaliland ? Aqoon intee leeg ayuu u leeyahay Doorashadda iyo hawlaha kale ?
Xildh. Siciid Cilmi Rooble, Waa mudanayaasha ugu mudadda dheer ee ka tirsan Golaha Wakiiladda S/land , lagana soo doortay Gobolka Saaxil , Waa Siyaasiyiinta qariibka ku ah carigeena . Iyadoo Dadka falan-qeeya siyaasadda ay aaminsanyihiin inuu yahay siyaasi wax-badan xogaal u ah. siiba dhinaca Siyaasadda S/land. Waa siyaasi aan layli ahayn, waana sababta uu saameyn weyn ku yeelan-karo ololaha Doorashadda Xisbiga Kulmiye. .
Xildh, Siciid Cilmi waxay saxiib dhow ahayeen Madaxweyne “Axmed Siilaanyo”. Oo ay isku aragti ku ahayeen Halgankii Xisbiga Kulmiye. Markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la doortay, Digreetaddiisuu ugu Horeysay. Xildh Siciid waxaa loo magacaabay guddiyo kala duwan oo loo xil-saaray hawlo kala geddisan.waxaa ka mid ahaa Guddida ka-talo-bixinta qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub: oo uu Musharax Muuse Biixi —Gudoomiyaha ka ahaa . halka Xil. Siciid Cilmi Rooble uu xubin ka ahaa , guddi loo magac-bixiyay Guddida xil-wareejinta iyo ilaalinta hantida muddada kala-guurka, kuwaasi oo shaqadoodu noqonaysay sugidda iyo indho-ku-haynta hantida qaranka wakhtiga kala guurka.
Dhinaca kale . Waxa uu ahaa siyaasi garab-taagnaa markasta xukuumadda Axmed Siilaanyo, ay isku dhaceen markii danbe. Iyaddoo Xildh Siciid Cilmi Rooble uu ka tirsanaa Siyaasiyiintii Waa-weynaa ee Xisbiga Kulmiye ka Biyo,diiday , ka-dib markii xilalkii dowladnimo lagu taxay rag aan guure, gocle iyo orod midna Xisbiga Kulmiye u soo gelin . waqtigii guusha hore uu helay Xisbigu Badhatamihii 2010.
Xildh. Siciid Waa Siyaasi si weyn looga yaqaana guud ahaanba S/land. isla-markaana saaxadda siyaasadda ku jirey mudaddii ay Somaliland soo jirtay, oo aan ku dhex hafanin mowjadaha iyo dabaylaha siyaasadaha dufaanadda wata . Waxuu ahaa ragii bud-dhiga u ahaa Xisbiga Kulmiye una soo halgamay. isagoo ka mid ahaa Golaha fulinta ee Xisbiga Kulmiye.
Geesta kalena, Xildh. Siciid Waa siyaasi loo arko , In saaxadda laga halacsan-karo. Iyadoo xisbiga uu u tagaana yahay mid ay inta badan xisaabta boqolayda u muuqato iyo in uu ku guulaysanayo Doorashooyinka Somaliland.
Dhinaca dejinta khadadka siyaasadda, Xildh Siciid , waxa uu xisbiga Kulmiye ku soo biirin doonaa aragtiyo siyaasadeed oo wax badan ka taraysa arrimaha gudaha, oo ay dadka qaar tilmaamaan inay hadda xisbiga ka maqantahay, taas oo loo tirinayo waayo-aragnimada uu ka dhaxlay halgankii guulihii hore ee Xisbiga Kulmiye.
Ugu danbeyn :- Waxaa lagu tilmaamaa Xildh Siciid Cilmi Rooble . Siyaasi taariikh ballaadhan iyo awood siyaasadeed ku dhex leh Bulshada S/land ,gaar ahaana Goboladda Togdheer Iyo Saaxil oo uu ka soo jeeddo , Taasi oo lagu xuso inuu ku soo kordhin doono wax-badan xawaaraha uu ku socda xisbiga Kulmiye. hawl-karnimadiisuna qayb weyn ka qaadan doontaa Guul uu xisbiga Kulmiye mar labaad gaadho siiba doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
Adan Yusuf Elmi