WARBIXIN+SAWIRRO Ku Saabsan Waxqabadka Uu Meeyarka Degmada Berbera Hirgeliyey Mudadii Uu Xilka Hayay. Waxaa Soo Ururiyey Weriye Mubaarik Nirig
Warbixintan waxaan ku soo koobi doona waxqabadkii golaha deegaanka ee degmada Berbera muddadii uu Hogaanka u qabtay maayir Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) waxayaabihii u qabsoomay mufdadaas oo ku dhaw saddex sano, Golaha Degaanka ee Degmada Berbera ilaa iminka wax khilaaf ah oo soo kala dhexgalay ma jiro inta badan waxa lagu arkaa isku duubni iyo midaysnaan Mudadaa Aan soo xusnay waxaa u qabsoomay kal fadhiyadii loogu talo galay oo ku dhan 14 kala fadhi oo sharciyada la waafajiyey.Waxqabdkii oo Faahfaahsan
Sanadkii Kobaad 2013:
- Balaadhinta iyo dayactir lagu sameeyay wadada laga soo galo magaalada berbera ee u kala baxda Burco iyo Hargeysa Goolad Jidka Qeybisana laga hirgaliyey.
- Dhismaha xarunta dabdamiska Dawlada hoose iyo abuurida qaybta ciidanka dabdamiska oo aad loo qalabeeyay oo aan hore u jirin.
- Darbiga xarunta 26 june oo la dhisay iyo xafiisyada maamulka gaadiidka oo la hirgaliyey lana dayactiray.
- Dhismaha kawaanka gawraca iyo Kawaanka Qaliinka Xoolaha Nool oo Dayactir Lagu Sameeyey Lana balaadhiyey.
- Wado laami ah oo laga hirgaliyay xaafada wadajir ama jaamalaaye.
- Maamulka dawlada hoose waxa uu soo iibiyay gaadiid isugu jira Booyadaha ,Qashinka Qaada ,cagafcagafyo. Basab e.t,c gadhaya ilaa 15 gaadhi.
Sanadkii 2014
- Dhismaha Xafiiska Gudida ka garnaqa dhulka oo laga hirgalyay 26 june dhexdeeda.
- Kormeero lagu sameeyay 42 Dugsi hoose dhexe ee maamulka d.hoose hoos yimaada si loo hirgaliyo Maamul Daadejinta Waxbarashada.
- Waxa la dhisay dhisme laba dabaq ah oo lagu kordhiyay xarunta dawlada hoose.
- Waxaa dayactir lagu sameeyay ku dhawaad 10 Dugsi oo iskuuladaa ka mid ah hoose dhexe.
- Waxaa la dayactiray xafisyada waaxda hawlaha guud ee dawlada hoose iyo xafiisyo kale oo ka mid ah gudaha dawlada hoose.
- Waxaa dayactir aad ubalaadhan lagu sameeyay sariibadii waynayd ee magalaada berbera Tan iyo markii la dhisay.
- Waxaa markii uhoreeyay maamulka dawlada hoose fulisay mashaariic maalgalineed oo lagu horumarinaayo dhaqaalaha degmada dadka ku nool.
- Waxaa la dhisay maktabadii ugu horeysay ee Barbara yeelato oo Pubilc library.
Sanadkan 2015 .Ee DHamaadka Ku Dhaw Mashriicda Qabsoontay IYO Kuwa Socda
- Dhameystirka Jid Laami ah Oo Casriya Oo Asfal oo dhan 8 Km Oo Gudaha Magaalada ah.
- Biyo mareenada biyaha roobka ka saara Magaalada oo laga hirgaliyey Jidka koowad ee Berbera.
- Marmar La dhigay Jid Laamiga hareerihiisa si ay bulshada iyo gaadiidku kala wado u noqdaan.
- Xeyndaab Derbi ah Oo Lagu Xidhay Guud ahaan xabaalaha Magalada iyo Dadkii Degenaa Agagaarka Xabaalaha Oo Dhul Badal La Siiyey.
- Waxaa la dhisay afar garoon kubadeed oo casri ah Oo Afarta Xaafadood Laga Hirgaliyey.
- Sidoo kale waxaa la dhisay oo gacanta lagu hayaa 185 guri oo laga dhisay xaafad cusub oo leh adeegyadeed bulshada sida garoomo saldhig iyo caafimaad.
- Waxaa la dhismihiisu Socdaa terminal bus station, markii u horaysay laga hirgaliyo somaliland Oo Gadiidka Ka Baxay Berbera ee Hargaysa, Burco u baxayaa ay isticmaali donaan.
- Waxa dayactir lagu sameeyay guryihii dawlada hoose ee Berbera ee xaafada barwaaqo.
- Waxaa kor loo qaaday amaanka dawlada hoose yada oo latayeeyay ciidanka kahawlgala, iyo lahirgaliyay CCTV-CAMERA dhamaan lagu rakibay.
- Waxa tobabaro la siiyay qaar ka mid ah shalaaha dawlada hoose iyo xafiisaydooda la qalbeeyay.
- Mashiicada intaa lee gee maamulka degmada berbera ku guulasyteen ma jirto degmo kale oo intaa in leeg saddexaad sano ku guulaystay inay hirgaliso .Bulshada reer berbera waxay calmanyaan inuu caynaanka u sii hayo maayirka berbera mudada u hadhsan golaha degaanka degmada berbera.
Qalinkii: Weriye Mubaarik Nirig
Berbera, Somaliland
Saaxil181@gmail.com