Akhri Warbixintan U Dambaysay Ee Goobjoogayaasha Caalamiga Ahi Soo Saaray ayaa Dawladda Somaliland ugu Baaqay Saddex Arrimood In Wax Laga Beddelo
Hargeysa (Hubaal) Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Madaxa Bannaan ee Kormeerayay Doorashadii Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose ee 31 kii May 2021 ayaa Daah-furay Warbixintii Ugu Dambaysay. Munaasibad loo qabtay daahfurka barnaamijkan oo ay soo qabanqaabiyeen guddida doorashooyinka qaranka ayaa caawa lagu qabtay magaalada hargeysa. War-saxaafadeed qoraal ah oo ay soo saareen Goobjoogayaasha Caalamiga ah oo soo gaadhay wargeyska Hubaal ayaa u dhignaa sidan:
“Doorashadu waxa ay calaamad muhiim ah u noqotay dimuqraadiyadda Somaliland: Ka dib dib u dhacyo ku yimid labada doorasho, waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee doorashooyinka Baarlamaan iyo Dawladaha hoose isku mar la qabtay Professor Michael Walls oo ka tirsan Qaybta Qorshaynta Horumarka, ahna Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi:
“Iyada oo doorashooyinkaasi ay u taagan yihiin horumar dimuqraaddiyadeed, haddana waxa la qabtay 11 sannadood ka dib wakhtigii loo qorsheeyay in ay dhamaato muddada Baarlamaanku, iyo weliba saddex sannadood ka dib markii ay dhamaatay muddadii golaha deegaanku. Waa war wanaagsan in doorashooyinku u dhaceen si nabadgelyo ah, isla markaana daneeyayaashu u aqoonsadeen qaar lagu kalsoon yahay. Si kastaba ha ahaatee, si ku yar dalalka Afrika, hal qof oo haween ahi kumay soo bixin doorashada Baarlamaanka. Tani waa mid dhaawac ku ah dimuqraadiyadda, weliba ah tallaabo dib loo qaaday marka loo eego doorashooyinkii hore, iyada oo marka horeba ay yarayd heerka metelaadda haweenku. Iyada oo ay tahay wax loo dabbaaldego in Somaliland ay sii waddo qabashada doorashooyinka, haddana waxa la gaadhay xilligii laga baaraandegi lahaa in la helo dariiqyo lagu adkeeyo hab-raacyada jira ee doorashada soo socota, taas oo la filayo in ay qabsoonto sannadka 2022 iyo kuwa ka sii dambeeyaba”.
Doorashooyinka oo ku qabsoomay xaalado adag oo lagu jiray safmarka Covid-19 iyo Xeerka Guud ee Doorashooyinka Somaliland iyo Diiwaangelinta cod bixiyayaasha ayaa u taagnaa horumar laga gaadhay jidka doorashooyinka Somaliland. Waxa jiray waxyaalo badan oo wanaagsan sida doorashada mid ka mid ah “Beelaha laga tirada badan yahay” oo loo doortay Baarlamaanka, horumarin lagu sameeyay xeerka doorashooyinka qaranka (marka laga tago in ay weli jiraan wax badan oo loo daayay in ay go’aan ka gaadhaan madaxda doorashooyinka iyo siyaasaddu), iyo xaqiiqda ah in tebinta warbaahintu ay guud ahaan ahayd mid loo aqoonsaday in ay ku dheehnayd dhexdhexaadnimo iyo masuuliyad.
Waxa sidoo kele muhiim ah in maalintii doorashada iyo intii ka dambaysayba ay ku dhamaatay si nabadgelyo ah, iyada oo weliba dadweynaha reer Somaliland ay mar kele u soo baxeen iyaga oo u hammuun qaba in ay codeeyaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo jira qaybo ka mid ah hannaanka doorashada oo u baahan in la tayeeyo amma la horumariyo si loo hanto halbeegga caalamiga ah. Gaar ahaan hannaanka diiwaangelinta codbixiyuhu waa mid adag oo xaddidaya codbixiyayaasha, mar haddii aanuu jirin tirokoob rasmi ahina, ma qeexayo qiyaas sugan oo sheegaysa codbixiyayaasha isu-diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan.
Intaas waxa sii dheer, Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay ku baaqayaan saddex is beddel: in wax laga beddelo nidaamka siyaasadeed ee xaddidaya in saddex xisbi oo keli ah loo oggol yahay in ay ku tartamaan doorashooyinka, kaas oo curyaaminaya metelaadda dimuqraaddiga ah; in la helo shuruuc ay hagayaan reer Somaliland oo xaqiijinaya metelaadda siyaasadeed ee haweenka; iyo in la helo ballan-qaad kele oo siyaasadeed oo ku saabsan jadwalka dastuuriga ah ee doorashada lagu heshiiyay si doorashooyinka soo socda loogu qabto wakhtigii loogu talagalay, meeshana looga saaro dhaqanka inta badan soo jiray ee dib u dhigista doorashooyinka Somaliland sidii horaba u dhacday. Warbixinta ugu dambaysa ee Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay sidoo kele soo jeedinaysaa talooyin dheeraad ah, oo ay ka mid tahay kor u qaadista aqoonta cod bixiyayaasha iyo qarsoonida codaynta, tababar kii hore ka fiican oo la siiyo shaqaalaha goobaha cod bixinta, iyo kor u qaadista nidaamka tirinta iyo isu geynta codadka.