Wareegii Labaad ee Wada-hadalkii Mucaaridka Iyo Xukuumadda Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday

0
15

Hargeysa (Hubaal)-  Kulankii labaad ee Shirkii wada tashiga Xukuumadda iyo Xisbiyada qaranka uga socday Magaaladda Hargeysa, ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaatay, ka dib markii la isku mari waayey shirkii ay shalay isgu yimaadeen oo ka qabsoomay huteelka Ambaasadoor ee magaaladda Hargeysa.asxaabta
Shirkan oo ahaa wejigii labaad ee ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu kaga arrinsanayaan khilaafka ka dhashay muddo kordhinta loo sameeyey xukuumadda iyo Goleyaasha Baarlamaanka, ayaa ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, isala markaana ay dhex martay labada dhinac dood xoogan oo la iskula gar naqasaday kuna jiray illaa gelinkii dambe, waxanay wararka qaar sheegayaan in uu mararka qaar kulankaasi hadhaynayey muran xoogan oo ka dhalnayey doodda ay ka yeelanayeen xisbiyada iyo xukuumaddu wakhtiga muddo kordhinta.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) oo markii uu kulankaasi soo dhamaaday gelinkii dambe warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aanay wax natiijo ah weli isla gaadhin oo ay u ballameen inay mar kale isgu yimaaddaan maalinta isniinta ah ee soo socota.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Sidaad la socotaan maalmahan waxa socday shir lagaga arrinsanayo arrimihii Doorashooyinka iyo khilaafka uu keenay dib u dhaca doorashooyinku, maanta (shalay) waa maalintii labaad runtii oo hawsha la hayaana hawl yar ma aha, waa hawl qaran oo muggeeda leh, culayskeeda leh oo rogrogeeda leh, markaa wax cusub oo go’aan ah oo la gaadhay ma jiraan, hadalkii wuu sii soconayaa Insha ALLAAH, waxaana dib loogu ballamay maalinta isniinta ah oo bishu noqonayso 25/5/2015-ka in la isku yimaaddo kulanka sadexaad, waxaana sii socona wada hadalka oo u sii soconaya sadexda xisbi qaran ee ay khusayso hawsha doorashooyinku”
Mudane Saylici oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Sababta aanu dib ugu dhignayna waxa weeyaan hawsha lagu jiro ayaa hawl adag ah, wada hadalku wakhti ayuu qaataa oo waxa laga talinayaana waa masiirka umadda somaliland, taas ayuunbaa keentaye wax dhibaato ah oo kale ma jiraan waxaana la isku soo noqonayaa Isniinta, wax cusub oo aan idiin sheegayaa ma jiro, laakiin gar laba nin loo qaadayo ayaaba muddo badan qaadata oo todobaadyo iyo biloba qaadata, balse waaba arrin dhan oo masiiri ah oo qaranka loogu talinayo, hadalka lagama hordhacayo oo waxa la isla qagan doono iyo qodobadu waa wax qaayib ah, laakiin bulshada waxaanu u sheegaynaa inuu wada hadalkii socdo oo aynu inagu wexeenna dhamaysan doono oo ay khayr ku dhamaan doonto”
Mawqifyada ay kala taagan yihiin Xukuumadda iyo mucaaridku, ayaa la sheegay in ay kala durugsan yihiin, isla markaana ay kulankii shalay ku guul daraysteen inay xaalinyaan oo ay isku soo dhowaadaan, waxaanay arrintaasi goobta ka abuurtay dood xoogan oo sababtay mararka qaar inuu goobta buuq ka dhasho.
Xisbiyada Mucaaridka ah, ayaa la sheegay inay madasha la tageen go’aan isku mid ah, kaas oo ilo xogogaal ay ay Saxansaxo u sheegeen inay tahay Sannad iyo Afar bilood, in kasta oo aanay jirin war rasmi ah oo laga helayo dhinaca xisbiyada, balse wararka ayaa tibaaxaya inay muddadii sannadka ahayd ku dareen afar bilood oo ay kordhiyeen.
Dhinaca kale Xukuumadda iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa la sheegay inay iyagu ka aragti duwan yihiin oo ay markii hore taagnaayeen sannadkii iyo sobankii bilood ee ay guurtidu go’aamiyeen, balse dood dheer oo la yeeshay ka dib ay u sheegeen mucaaridka inay Afar bilood ka dhimayaan wakhtigaasi, taas oo noqonaysa in uu weli faraq weyni u dhexeeyo labada dhinac oo ay is mari la’yihiin, isla markaana waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday natiijo la’aan iyo in maalin ka dib la isku soo noqdo.
Si kastaba ha ahaatee natiijo la’aanta uu ku soo dhamaaday wejigii labaad ee wada xaajoodka mucaaridka iyo xukuumadda, ayaa muujinaya in ay kala fogyihiin labada dhinac, isla markaana aanay muuqan wax tanaasul ah oo ay muujinayaan, lamana garanayo waxa ka soo bixi doona kulamada kale ee loo ballamay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here