Hargeysa, (Hubaal) – Horaba Somaliland ugamay jirin maxkamado si cadaalad leh uga garnaqa muranada iyo dacwadaha muwaadiniinta dhex mara.
Dacwad ay xukuumadu waliba madaxtooyadu daraf ka tahayna iyada hadalkeedaba daa, sidaas darteed kol hadii aanu cadaalad iyo xaqsoor waynay, waxaanu door bidnay inaanu documents-kii aanu haynay qaar ka mid ah dadweynaha u soo bandhigno sida saddexda xaashiyadood ee halkan hoose ku xusan kuwaas oo kala ah qoraal uu wasiirka Macdantu u diray shirkada EARG 23/12/2013 iyo jawaabtii shirkadaasi oo ku taariikhaysnayd 29/1/2014 iyo waliba warqad ay shirkadu markay taariikhdu ahayd 26/2/2014 ka daba dirtay kadib markii uu wasiirku ka soo jawaabi waayey teedii hore ee 29/1/2014.
Eedaha ay xukuumadu u xambaarisay Haatuf oo tiradoodu tahay 11 ayaa waxay dhamaantood ka kooban yihiin warar iyo faalooyin uu wargeysku soo daabacay oo markii af-ingiriisiga loo turjumay ay qareeno iyo suxufiyiin ajnabi ah oo loo soo bandhigay aad ula yaabeen uguna qosqosleen in wargeysyo iyo hawlwadeenadoodii ku mutaysan karaan in la xidho oo inta kiis loo sameeyo xeer-ciqaabeed (criminal Law) la mariyo.
Eedahan Haatuf lala tiigsaday waxa intooda badan soo oogay wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (a.k.a) Hussein Osman Farah waxaanay ku salaysan yihiin warar laga qoray hawlihiisa shaqo ka wasaarad ahaan iyo wasiir ahaanba isla markaana waxa ay eedahaasi nuxur ahaan ka kooban yihiin meel-ka-dhac, aflagaado iyo sharaf-dil oo marka af-Ingiriisi ahaan la eego iskugu soo ururaya kelmadda “defamation” taas oo marka la raaco xeerka habka ciqaabta ee Somalia ee ay dawladu adeegsanayso iyadoo ka cararaysa xeerka saxaafada Somaliland waxa qodob ahaan lagu qaadaa oo kaliya marka la aflagaadeeyo “Madaxweynaha-President” oo xataa qodobka defamation-ku ma qabto aflagaadaynta raysal wasaaraha dalka (Somalia).
Kol hadii aanu madaxweyne Siilaanyo rasmi ahaan ka mid ahayn dhibaneyaasha dacwadan ee ay xeer ilaalintu soo dhoobtay, miyaan loo qaadan karin inuu dalka ka jiro madaxweyne qarsoon ama in dhibanuhu yahay Madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud (Culusow)?
Yeelkeed Haatuf’e dalkii dhamaa ee Somaliland ayay ceebeeyeen.
Maaha habdhaqan wanaagsan in Saxaafadu markay xiganayso document ay isagoo sidiisii ah ku soo daabacdo bogageeda balse waxa haboon inay xusto document-ga ay hayso ee ay daliishanayso dabeetana tix-raacdo xogaha uu xambaarsan yahay.
Haatuf ahaan anagu waxa aanu ku dhaqmi jirnay nidaamkaasi aanu kor ku soo sheegnay, waxaana wax laga yaqyaqsoodo ahaa markii uu wasiirka Macdantu bishii April website-yada ku soo daabacay document ay leedahay shirkad iyada iyo wasaarada ay ka dhaxayn jireen macaamil todoba sanadood ah isagoo is leh wax ku yeel gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe kadib markii uu ogaaday inay is-xigaan nin u shaqeeya shirkadaasi.
Dabcan Haatuf wasaarad maaha oo waa wargeys ilaha uu wararka ka helo-na (source of information) waxa ka mid yihiin document-yada.
Iyadoo ay sidaas tahay ayaanu hadana jeclaan lahayn in aanaan ku dhaqmin habkan mihnada ka dhanka ah (unprofessional) waxase doorkan nagu kalifay inaanu yeelno duruufaha ku xeeran dacwada lanagu soo eedeeyey Masuuliyiinta Haatuf, iyo xukuumadda oo Boro-bogaande ku dhex faafisay dadwaynaha inaanay Haatuf haynin wax cadaya Musuq-maasuqa ay ka baahisay Wasiirka Macdanta.