Go’aankii Cirro ku dhaqan geliyey Cashuurta ay Xukuumaddu saxaafadda ku doonaysaa wuxuu ku cad yahay go’aanka Gole ee GW/KF-14/509/2011 ee uu saxeexay 7/3/2011-kii
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Digreeto ku dhaqan geliyey go’aanka Cirro ku dhaliilay Go’aanka Tirsigiisu yahay JSL/M/24/9-391/03/2011 ee soo baxay 9/3/2011-kii
Hargeysa(Waaheen) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa Sharci daro iyo cabudhin saxaafadeed ku macneeyay Cashuuro Xukuumaddu ku soo rogtay Warbaahinta madaxabanaan iyo sidoo kale Liisamo iyo Kaadhadh shaqo oo Wasaaradda Warfaafintu damacsan tahay inay u samayso Saxaafadda.
Mudaneyaashan oo Warbaahinta kula hadlay aqalka wakiilada ayaa tilmaamay inaanay sharci noqonayn Cashuur kasta oo aan Golaha wakiiladu ansixin waxaanu yidhi “Dee Cashuuraha Xukuumaddu way soo jeedisaa haddii Cashuur cusub la xalaalaynayo, markaa Cashuur aan goluhu ansixin waa sharci daro. Cashuurtu way kordhin kartaa Cashuur laakiin waa in Golaha la keeno oo la xalaaleeyo”
Sidoo kalena Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay Arintan waxaanu yidhi “Takaaliif ama Cashuur aan Golaha Wakiiladu ansixini waa Qayrul sharci.wax anaga na soo maray maaha, wax jirana maaha, wax lagu camal falayna maaha. Cashuuraha waxaa soo rogta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ansixiya Golaha wakiilada. Anaga haba yaraatee Cashuurahaas la sheegayaa nama soo marin, wixii aan na soo marina Sharci maaha. Waxaan Xukumadda ka codsanayaa inay Xukumaddu Shuruucda dhawrto, waxaanan arintaas u arkaa Caddaadis iyo Cabudhis Warbaahinta lagu hayo”
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay talaabooyinka xukumaddu inay yihiin caddaadis warbaahinta madaxabanaan la saarayo “Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in Umadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun Cashuurahan Culays siyaasadeed oo Xukumadda talada haysaa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto oo ay ku cabudhiso oo ay iyadu iswada hoos keento, arintaanisana ma shaqaynayso.
Saxaafaddu waa tiirka afraad ee Qaranku ku taagan yahay, Aduun ay ka helaana ma jirto, mutadawacnimo ayay ku shaqeeyaan, Xarumaha, Shaqaalaha Kamaradaha sita ee goob walba taagan,Ateenooyinka dhamaan kharashka ku baxa waa mid ay jeebadahooda si gaara uga soo saaraan ee wax faa’iido ah oo ay ka helaan ma jiro” Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.
Sidoo kale, Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa iyana Golaha Wakiiladda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ku taageeray Eedaynta ay Xukuumadda ugu jeediyeen Tacriifada laga doonayo saxaafadda.
Hadaba Wargeyska Waaheen waxa uu bulshada usoo bandhigayaa in Nuquladii Golaha Wakiiladdu ay ku Ansixiyeen wax ka bedelka Tacriifadaha ku waajibay Saxaafadda, kuwaas oo ay Guddoomiye Cirro iyo Xildhibaanada taageersani ku durayaan cashuurta Saxaafadda ay dul dhigeen.
Sida ku cad go’aanka tirsigiisu yahay GW/KF-14/509/2011 oo ku jira Website-ka Golaha Wakiiladda Somaliland ku Anixiyey Taariikhdu markay ahayd 7/3/2011-kii, isla markaana ay ku saxeexan yihiin Guddoomiye C/raxmaan Cirro iyo Xoghayaha Guud ee Golahaasi.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Tacriifadan Golaha Wakiiladdu ku waajibiyey saxaafadda waxa uu Digreeto Tirsigeedu yahay JSL/M/24/9-391/03/2011 ku dhaqan geliyey 9/3/2011-kii, isagoo Tixraacaya Go’aanka Golaha Wakiiladda ee Guddoomiye Cirro saxeexay ee kor ku xusan.
Hadaba waxa cad in Golaha Wakiiladdu aanay kaba war hayn Xeerarka iyo Cashuuraha ay Ansixiyeen, waxaanay u muuqdaan kuwo Indho la’aan ku duraya Xukuumadda.
Madaxweyne Siilaanyo kadib waxa isna Digreeto wasiir ku dhaqan geliyey Wasiirkii wasaaradda Maaliyada ee wakhtigaasi Maxamed Xaashi Cilmi, taasoo Tirsigeedu yahay WM/02/08-/412/2011 oo ku Taariikhaysan 12/3/2011.