Wargeyskii Ugu Weynaa Dalka Itoobiya Ee The Addis Standard Oo Shaqada Joojiyay

0
33

wargeyska-addis

Addis ababa (Hubaal) Wargeyskii ugu weynaa dalka Itoobiya ee, the Addis Standard, ayaa joojiyay shaqada. Arrintaasi waxay ka dhalatay xaaladda degdegga ah ee dalkaasi la geliyay horaantii bishan. Maamulka wargeyska waxay sheegayaan inay baahin jireen warar kala duwan iyagoo xaalad xakameyn ah ku dhex shaqeynaayay, Balse, xaaladda degdegga ah ayaa cakirtay in hawshaas ay sii wadaan, sida ay xuseen maamulka. Bishan, wargeyskaasi “the Addis Standard” wuxuu sameeyay qeyb gaar ah oo loogu magacdaray xasuuqii Irreecha. Goobtaasi waxaa ku dhimatay 50 qof ama sida la aaminsan yahay ka badan. Dadka dhintay waxay ka cararayeen ciidamada amniga ee Itoobiya. Qeybta internetka ee wargeyska ayaa shaqada sii wadi doonta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here