Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Ku Geeriyooday Magaaladda Jig-jiga

0
39

 Jigjiga (Hubaal) Alla ha u naxariistee waxaa xalay goor danbe ku geeriyooday magaalada Jig-jiga weriyihii weynaa ee caanka ahaa ee soomaaliyeed Axmed Xasan Cawke .

Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa maanta u xaqiijisay saxaafadda Inanta keliya ee ay walaalo yihiin Axmed Xasan Cawke oo magaceedu yahay Canab Xasan Cawke.

Canab Waxay BBC-da u sheegtay  in walaalkeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telifoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanaayo , kadibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday .cawke

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .

Axmed Xasan Cawke waxaa la keenayaa Maydkiisa Somaliland oo lagu aasi doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here