Wariye Coldoon Oo Xukun Laba Sano Oo Xadhig ah Lagu Ridday

0
146

coldoon

Hargeysa: (Hubaal)-Maxkamadda gobolka Maroodo-jeex, ayaa xasbi laba sano ah ku ridday weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo laba bilood ah xabsiga lagu hayey, kadib markii uu dhawaan kasoo laabtay dalka Soomaaliya, isla markaana uu baraha bulshada marinayey farriimo ka dhan madax bannaanida Somaliland.

Ehelada iyo Qareenaddii u doodayay wariye Coldoon, ayaa sheegay in ay racfaan qaadan doonaan xukunkaas, iyada oo ku anadacooday inaanu xukunkaasi caddaalad ahayn.

Xeer ilaalinta  dacwada ku soo oogtay Wariye Coldoon, ayaa dhinaca kale ku dooday in Cabdi maalik uu u qalmay in laba sano ka badan lagu xukumo, isla markaana ay xukunkaas laftiisa rafcaan ka qaadan doonaan.

Ciidamada amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, kadib markii uu ka degey magaallada Hargeysa isagoo diyaarad  ka raacay magaalladda Muqdisho.

Wariyaha ayaa lagu eedeyay in uu ku xadgudbay jiritaanka Soomaaliland, isla markaana uu si cad ugu dhiirraday inuu farriimo qaranimada ka dhan ku faafiyo baraha ay bulshadu ku xidhiidho.

Cabdimaalik Coldoon, ayaa ah wariye ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo caawinta dadka dhibaateysan, waxaana uu soo gudbiyaa fariimo la xidhiidha dhibaatooyinka nololeed ee haysta dadka dan yarta ah, balse waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawllanaa arrimo ka dhan madax bannaanida Somaliland, taas oo sababtay in  xadhig muddo dheer ah lagu xukumo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here