Wariye Ka Hawl gala Warbaahinta Dawladda Somaliland Oo C.I.D-du xabsiga Dhigtay

0
20

Hargeysa (Hubaal) Wariye Khadar Quule, oo ka tirsan Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa Muddo laba habeen ku xidhan Magaalada Hargeysa ka dib markii Ciidanka amaanku  subaxnimadii Salaasadda ka kaxeeyeen Xarunta Telefishanka oo ku dhex taala Wasaaradda Warfaafinta.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xadhiga wariyahan balse shabakada waayeelnews ayaa kusoo waramaya in Wariyaha loo haysto Gaadhi uu Calanka Itoobiya ka jaray.

Waxa la sheegay in lagu soo dacweeyay inuu Munaasibada Maalinta qoomiyadaha oo Hotel Maansoor ee Hargeysa lagu qabtay Uu Baabuur Safaaradda Ethiopia ee Hargeysa leedahay ka jaray Calanka dalka Ethiopia isla wakhtigaana sawir laga qaaday loo gudbiyay Safaaradda. Lama Oga sababta uu Wariyuhu uga jaray Gaadhiga Calanka iyo inuu Ujeedo ka lahaa toona. Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaan arintan wali ka hadal islamarkaana aan ku guulaysan inay Wariyahaasi xabsiga ka soo saaraan.

wariye khadar quuleWararka ayaa sidoo kalena sheegaya in isla tabinta Warka Munaasibada qoomiyadaha ee Telefishanka qaranka kabaxay la khalday Magaca Safiirka Ethiopia islamarkaana Nin kale lagu sheegay. Arinta loo haysto Wariyahan ayaa u muuqata in lagu eedaynayo inuu galay  Khalad dhanka Diblamaasiyada ah.

xigasho: Waayeelnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here