Muqdisho-(Hubaal)-Mid ka mid ah Weriyeyaashii ugu caansanaa ee soo maray laamaha afka Soomaaliga ee idaacadaha BBC iyo VOA ayaa la sheegay in loo magacaabayo afhayeenka madaxtooyada Somalia.
Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada ayaa sheegay in weriye Daa’uud Aweys uu noqonayo afhayeenka cusub ee madaxtooyada, uuna dhowaan soo gaadhi doono Muqdisho.
Daa’uud Aweys ayaa muddo dheer ku soo jiray saxaafada isagoo sanado badan ka shaqeynayey laamaha afafka Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC-da, wuxuuna mudooyinkii ugu dambeeyey ka howlgalayey laanta afka Soomaaliga ee VOA.
Gabar la dhalatay weriye Daa’uud Aweys oo lagu magacaabo Maryan Aweys ayaa waxay dowladii ugu dambeysay ee KMG aheyd ka soo noqotay wasiirka wasaarada Haweenka, waxayna hadda ka mid tahay xildhibanada Baarlamanka Somalia.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan yeelan wax afhayeen ah mudooyinkan ka dib markii uu iscasilay afhayeenkii hore Ing. C/raxmaan Yariisow oo sababo aan la shaacin awgood shaqada uga tegay.
Sanad ka hor ayey aheyd markii Ridwaan Xaaji C/wali oo ka mid ahaa Weriyeyaasha ka howlgali jiray TV-ga afka Soomaaliga ku hadla Universal loo magacaabay afhayeenka xukuumada Somalia xilkaasoo uu illaa hadda ku magacaaban yahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u adag in la helo macluumaad ku saabsan sida weerarka loogu qaaday xarunta AMISOM, iyadoo wariyeyaashana laga hor-istaagay inay warbixinno faahfaahsan ka helaan sida uu weerarkan uga dhacay xerada gudaheeda