Wariye Ka Tirsan Telefishanka Horn Cable Oo Isku Day Dil Qorsheysan Ka Badbaaday

0
24

Kismaayo(Hubaal) Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in Goor dhaweyd Weerar lagu qaaday Xafiiskii Talefishinka Horn Cable Ee Magaaladaasi

Weerarkani ayaa kooxdi qaaday Waxay Ku bartilmaameedsadeen wakiilka tv-gaasi uqaabilsan Gobolka jubbada hoose weriye C/qadar iimaan Dhaqane walow uu ka badbaaday.

newsWariye ka tirsan Wariyaasha Magaalada Kismaayo oo lagu Magacaabo Maxamed Axmed Jiir ayaa u sheegay warbaahinta in Dabley Hubeeysan ay Rasaas ku fureen Mr Dhaqane inkastoo aysan waxyeelo ka soo gaarin.

Wariyaha ayaa la sheegay in uu ka Cararay Goobta lagu doonayay in lagu dilo,

Lama oga Kooxda Weerarka ku qaaday wariyaha Wakiilka Horn Cable ee Magaalada Kismaayo cida ay yihiin.

Somalilandtomorrow.Com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here