(SLT/Hubaal)-Wariye Yusuf Maxamed Xasan oo ahaa Tifaftirihii mareegta internet-ka ee afka ingiriisiga lagu qoro ee somalilandsun ayaa la la`ayahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay tan iyo 24-kii Decembar ee aaynu ka soo gudubnay.waxaana uu ku sugnaa markaasi magalada Jigjiga ee xarunta dawladd deeganka somalida Itoobiya,waxaana markii cid ugu dambaysay ee ku soo dabacay mareegtiisa faallo uu ka qoray isu socodka gaadiidka ay caanka ku tahay magalada Jigjiga ee bajaajta loo yaqaano waxaana uu warbixintaasi ciwaan uga dhigay”Jigjiga the Ethiopian town where Bajaj is King Transporter“taasi oo micnaheedu yahay magalada jigjiga waa meel gaadiidka ugu fiicani ama boqorka gaadiidku yahay gaadhi bajaajta,waxaana la aaminsanyahay oo looga shaki qabaa in ay haystaan sirdoonka dalka Itoobiya.
Yusuf Maxamed Xassan waa muwaadin somalilander ah isla markaasna ku soo barbaaray dalka kenaya waxaana uu sitaa dhalashada dalka kenaya mana si fiican ugu hadlo luuqada somaliga
somalilandtoday