Gabiley -(Hubaal)- Wariyihii Telefishanka Horn Cable Tv Ee Gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim Ayaa Caawa Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Uu Maanta Telefishanka Horn Cable Tv Ka Sii Daayay War Aan Xaqiiqadiisu Raali Galin Xukuumada Somaliland Ee Uu Hogaaminayo Axmed Siilanyo Iyo Xisbul Xaakimkiisa Kulmiye .
Xafladaasi Oo Ay Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada Gabiley Ay Taageero Ugu Raadinayeen Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Xili Dadweynaha Reer Gabiley Dhabarka U Sii Jeediyeen Xisbul Xaakimka Iyo Xukuumadiisaba .
Xafladani Ayaa Maanta Dhalinyaro Badani Hor Istaagtay In Ay Si Rasmi Ah U Qabsoonto Waxa Aanay Hoolka Xafladani Ka Dhacaysay Albaabkiisa Hore Ku Hor Gubeen Astaanta Xisbiga Kulmiye Iyada Oo Dhalinyarada Qaar Kalana Ay Kabaha Ay Xidhnaayeen Ku Masaxanayay .
Xadhiga Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Ayaa Ka Danbeeyay Sii Daynta Warkaasi Xaqiiqada Ku Salaysnaa Oo Ay Dhibsatay Xukuumada Talada Haysa Ee Ku Abtirsata Xisbiga Kulmiye , Dhanka Kale Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Aanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhnay Ayaan Noo Cadeeyay In Ay Wariyaha Ay Ku Xidheen Dacwayd Uu Ka Soo Gudbiyay Gudoomiyaha Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Gobolka Gabiley , Sheegayna In Ay La Tiigsan Doonaan Maxkamada Sharciga Ah .
Isku Soo Wada Duuboo Dawladan Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Caadaysatay Cabudhinta Saxaafada Iyada Oo Aan U Aabo Yeelin Xoriyatul Qawlka .
Cabdiraxmaan Aadan Muxumed
Gabiley Office
Bade400@gmail.com