Is-faham waa’ ka dhex taagan Maamulka Dekedda Iyo Shaqaallaha Waaxda Rarista iyo Rogida Dekedda Berbera Oo Tiradooda Guud Tahay 428 Qof
Berbera (Hubaal) – Habeen hore Ayay Shaqaalaha Waaxda Stevedorns Ee Dekada Berbera Joojiyeen Dhamaan Shaqadii Aay Ka Wadeen Dekada Berbera, Waaxadan Stevedoranka Ayaa ah Shaqaalaha Qaabilsan Dejint iyo Rarida Dekada Berbera Tiradooda Guudna waa 428 Qof Oo Shiftiyo Kala Duwan Gala, Maadaama Shaqada Dekadu tahay Mid 24 Saacadoodba Taagan,
Tan iyo Intii Shirkada Dp World La Wareegaty Maamulka Dekada Berbera Waxaa taagnaa Is Fahamwaaga ka Dhxeeyay Shaqaalahan Muruq Maalka ah iyo Masuuuliyiinta Shirkada Dp World, Masuuliyiiintan Shaqaalahan Ayaa Bishan Julay Horaanteedii Qoraal U Qoray Maamulka Dekada Berbera Waxaanay Ku Cadeeyeen In Aanay Shaqayn Doonin Marka Taariikhdu tahay 6 Bisha Julay 2017
Hadaba Shaqo Joojintan Aay Ku Dhawaaqeen Masuuliyiinta Waaxdan Muruqmaalka Ee Dekada Berbera Waxaa Qoraal U Qoray. Maareeyaha Qaybta Farca Dekada Berbera Ahna Maareeyaha Guud Ee Dekadaha Somaliland Axmed Yuusuf Dirir Waxaanu Ka Codsaday in Aanay Samayn Shaqo Joojin Waayo Ayuu Yidhi Taasi Xal Maaha, Waxaa kale oo Uu Qoraalkiisa Ku Xusay In Madaxdii Dalku Aay Dibada Ku Maqan yihiin Markay Soo Noqdaana Arinkooda Wadhadal Laga Furi Doono, lana xalin Doono Codsigaasi Maareeyaha Way ka Aqbaleen Sida Uu Ii Xaqiijiyay Gudooomiyaha Muruqmalka Dekada Berbera, Stevedoran,ka Ciise Cali Hangoole, Waxaanu sida shabakada Hadhwanaagnews oo aanu warkan kasoo xiganay daabacday xalay ay sheegeen in Ay In Badan U samrayeen Maamulka Shirkada Dp World oo Uu Ku Eedeeyay In Aanay Ogalanayn Xuquuqda Shaqo Ee Muruqmaalku Leeyahay, Heshiisyadii Ku Meel Gaadhka Ahaa Ee Lagu wadshaqaynayayna Aay marwalba ka baxayaan, Gudoomiyaha Muruqmaalka Dekada Berbera Wuxuu Hadalkiisa Ku daray In ay Ka Codsanayaan Xukuumada sare Ee Somaliland Inay Soo fara galiso Arinkooda oo ay Samayso Heshiis Muddo Dheera Oo lagula Shaqayn karo Shirkada Dp world. Xiligan Dekada Berbera Shaqadu Way taagan tahay waxaan Dekada Ku Calaqan Ama Ku Xidhan Ugu Yaraan Shan Markab oo ah Kuwa Xambaatra Koonteenarada,
M V KOTA HANDHEL PILL
M V TINA SHIRKAD ISS
M V KALIS SHIRKADA C M A
M V AGATA SHIRKADA M S C
M V SAMIA PRAITE SHIRKADA BERBERA SHPING
Lixdaa Markab Waa Maraakiibta waawayn ee Qaada Koonteenarrada Waxaanay Ukala xaniban Yihiin Rogid iyo rarid Aay Qaadi Lahaayeen Koonteenaro Madhan
Dabcan Sidoo kale waxaa Xiligan Dekada Berbera Taagan labo Markab oo Sida Sibidh Kuwaas Oo Mudo Taagan Bada qaybta Loo yaqaan Angaraige Walina Aan Lagu Soo Xidhin Dekada Berbera,
Sidoo kale Waxaa Bada taagan Illaa Bishii Ramadaan Markabka la Yidhaa M V Nawl Kaas Oo Sida Kaargoo u Badan Baabuur , Sida Aay Noo xaqiijiyeen saraakiil sare Oo Dekada Berbera ka Tirsan ,Hawlmaameedkii Dekada ee Xaamiga Usocon Jiray waxaa xanibay Qalab La,aan Maadaama Aanay Shirkada Dp World Lasoo Degin Wax qalaba Oo Cusub Marka Laga Reebo Ayaay Yidhaahdeen Qabaha Koonteenarka Lagu Qaado iyo Liftaro Yar yar Oo Aan Awood Lahayn, Qabana Kari waayay Shaqadii Dekada taalay, Shirkada Dp World Ayaa Iminka Maamulaysay Dekada Berbera Mudo Ku Siman 6 Bilood iyo Dheeraad Illaa Iminkana Adeegii Dekada Berbera Cabasho Ayaa ka Taagan, Ganacstada wax kala Soo Degta Ayaa Wali Cabasho Xoogan ka Muujinaya Adeega shikada Dp World Aay Bixiso Waxaanay Sheegayaan Ganacsatada Qaarkood In Maraakiibta Koonteenarada xambaara Lagu Dejin Jiray Ka Hor Dp world 48 Saacadood Ugu badnaan , Maantana Wiig ayaay Taagnaadaan maraakiibtaasi, Wararka Laga Helayo Xog Ogaalka Dekada Berbera Ayaa Tibaaxaya in xataa Shaqaalihii Aay Hore u Hawlgalisay Lagu Soo Rogay Amaro Adag Sida Caafimaadkooda oo Si wayn loooo Baadhayo, Xanuunada Qaarkood na Aay Ku Waayi karaan Shaqadooda, Dhanka Da,da Ayaa la Sheegay In Qorshahoodu Yahay Wixii ka wayn 50 Jir In Aay Shaqada ka Joojiyaan. Isku Soo Duuboo Mushkiladahan kala duwan ee cabashada Shaqaalaha Muruq Maalka Dekada Berbera iyo cabashada ganacstada Ayaa ah Mushkilado U Baahan In Xal laga Gaadho oo Xukuumada Sare Soo faro galiso.