Wasaarad Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ku Keliyeysatay Ololihii Shalay Ee Bilicda Caasimada

0
28

 Hargeysa (Hubaal)- Shaqaale weynaha wasaaradda macdanta iyo tamarta oo uu hogaaminayo agaasimaha guud Siciid Axmed Xasan ayaa u diyaar garawga xuska 25 guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada madax banaanida somaliland ku qaabiley olole nadaafadeed, kaasoo ay ka fuliyeen jidka weyn ee Guuleed hotel iyo biyo mareenka ka soo horjeeda oo qashin tuulnaa. DSCF0318Ololaha nadaafadeed ee shaqaalaha wasaaradda macdanta ayaa ahaa kii ugu balaadhnaa ee caasimada laga fuliyo, iyada oo aanay u kala hadhin madaxda iyo shaqaalaha wasaaradaasi, kuwaas oo muujiyey kaalinta lagu tartamayey bilicda magaalooyinka. Wasaaradda macdanta oo kamid ah wasaaradaha xukuumada ka tirsan ee dhismaha xaruntoodu weli qabyada yahay kadib markii shirkadda qandaraaska ku qaadatay dhismahaasi ay weli gacanta ku hayso balse uu haatan gebogabada ku dhaw yahay ayaa shalay iyadu ahayd wasaaradda keliya ee indhaha warbaahintu qabteen iyaga oo shaqaalla weynahoodu ku foogan yihiin qashin ururinta iyo nadaafadda jidka Halbewlaha ah ee Hargeysa, waxaana arrintani ay muujinaysaa qaabka ay wasaarad ahaan ugu diyaar garoobeen kaalinta kaga beegan xuska dabaal-dega maalinta qaranimada ee berry haddii alla yidhaahdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here