Wasaarada Ciyaaraha Oo Noqotay Wasaarada Ugu Liidata Wasaarada Xukuumada Siilaanyo

0
30

Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland oo ah Wasaarada Qaranka u qaabilsan Horumarinta Dhalinyarada Iyo Sport-iga, ayaa gebi ahaanba gabtay Hawshii ay Qaranka u haysay, taas oo Niyad jab ku abuurtay Dhalinta Xiisaysa Sport-tiga.
Tan iyo markii uu Xilka qabtay Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa waxay Wasaaradu isku badashy meel bahlo galeen ah, halkaas oo aanay habayaraatee aanay ka socon Wax shaqo ah.

 

maqaal
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa ku fashilmay shaqadii loo igmaday isagoo ku guuldaraystay inuu qabto Tartankii Gobolada Somaliland, iyadoo si weyn loo xasuusan yahay fashilaadii uu kala kulmay Tartankii Gobolada ee ugu dambeeyay, kaas oo ay ka dhacday fadeexadii ugu weynayd ka dib markii uu Tartankii Gobolada ee uu Qabay Wasiir Raygal uu ku dhamaaday Rabshad iyo is qabqabsi ka dhex dhacay Ciyaartoyga Gobolada, khilaafkaas oo aakhirkiina keentay in markii ugu horeysay Taariikhda Somaliland Xabsiga la dhigo Ciyaartoyga Gobolka Togdheer , oo uu markii horeba Wasiirku ku soo xulay Qabyaalad iyo Reero.
Habacsanaanta ka jirta Wasaarada Ciyaaraha Somaliland ayaa waxay sabab u noqotay in dhalinyarada Somaliland aanay waxba ka sugin Wasaarada Ciyaaraha, waxaanay iskood isku abaabuleen,, islamarkaana iyagu diyaarsaday Tartanka Bisha barakaysan ee Ramadaan, sidoo kale Dallada Dhalinyarada ee Sonyo ayaa iyadu ka qayb qaadatay Tartanka Bisha Ramadaan iyadoo ilaa 70 Team oo Gobolada Somaliland ah u qaybisay Qalabka Ciyaaraha.
Shacbiga Somaliland gaar ahaan dhalinyarada ayaa rajo xumo ka muujinaya Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somalialnd haddii aan Madaxweynuhu wax ka qaban Wasaaradan duntay ee gabtay hawshii ay Qaranka u hasay.
Cabdi Saxafi
csaxafi@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here