“Waxa Annaga Iyo Dadweynuhuba Aanu Ka Cabanaynaa Maamulka Degmada, Iyadoo Horeba Loo Arkayay Guddoomiyaha Wajaalle Oo Ka Qaylinaya Meel Cid Kastaba Arkayso Inay WAddo Tahay”
Wajaalle (Hubaal):-Wasaarada hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland ayaa cabasho ka muujisay dawlada hoose ee maamusha magaalada Wajaale ee loo samaynayo qorshe magaaleedka. Farsamayaqaanada ka socda wasaarada hawlaha guud ee gacanta ku haya qorshaha magaalada Wajaale oo la hadlay warbaahinta shalay ayaa soo bandhigay caqabado ay ka tirsanayaan maamulka. Mid ka mid ah farsamayaqaanada gacanta ku haya qorshe magaaleedka Wajaale ee ka socda wasaarada hawlaha guud oo ka hadlaya sida ay hawluhu ugu socdaan ayaa waxa uu yidhi “Qaybtii galbeedka ee magaalada Tog Wajaale ayaanu hada gacanta ku haynaa, hawluhuna si wanaagsan ayey noogu socdaan, wadooyin badana waanu furnay, kuwii gudubka ahaa iyo kuwii kalaba way socdaan aad ayaanan ugu mahad celinayaa dadka degan wajaale oo diyaar u ah in loo hagaajiyo magaaladooda.”
Sidoo kale masuulkan u hadlay wasaaradda hawlaha guud waxa uu soo bandhigay caqabadaha ka hor yimid ilaa hadda waxaanu yidhi “Waxa caqabad nagu ah oo dadweynaha iyo annaguba aanu ka cabanaynaa maamulka dawlada hoose, iyada oo la arkayey gudoomiyaha degmada oo ka qaylinaya meel cid kastaba arkayso inay wadadu halkeedu haysato uu haddana leeyahay waa baloodh cidi leedahay, anagu wado ayaanu banaynaynaa mana lihin baloodhkan yaa lahaa, dacwadi haka socota ama yaanay ka socon, ama ha xayirnaato ama yaanay xayirnaan, wasaarada hawlaha guud qorshaha ay wadaa ma khuseeyo dhul xayirani, waddadana waxa iska leh dadweynaha, dhulka la xayiray iyo dhulka la dhaxlayana midna kuma jiraan, markaa cida maamulka ee marka hore Wadadan ku tilmaantay dhul anaga waxay noo tahay waddo, wado kastaana halkii ay xaqa u lahayd ayey maraysaa.”
Ugu dambayn waxa uu maamulka ka codsaday inay dhibaatada ka daayaan qorshaha loo samaynayo Wajaale “Maamulka degmada waxaanu ka codsanaynaa inay ka daayaan carsha carshaynta wadooyinka loo samaynayo degmada ay xukumaan.”