Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maanta Tababar 5-Maalmood Socon Doona Hargeysa Uga Furi Doonta Dan-jirayaasha Ay Dibadda Ku Leedahay

0
30

Hargeysa:(Hubaal)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalilnad, ayaa Maanta oo Sabti ah Magaalada Hargeysa ka furi doonta shir muddo shan maalmood ah socon doona tababar loogu samayn doono Wakiillada Waddanku ku leeyahay Waddamada Dibadda.

Warsaxaafadeed lagu shaaciyay shirkan ayey wasaaradda khaarajigu ku sheegtay in Somaliland ku taalo gobol ammaan darro saamaysay, islamarkaana Somaliland oo la gacan qabtaa door muhiim ah ka qaadan karto horumarintiisa.SACAD CALI SHIRE

Shirka danjireyaasha Somaliland ayaa ujeedkiisu yahay dib u eegista siyaasadda khaarajiga iyo dardar galinta citiraaf Somaliland ka hesho dunida. Waxa dib loo eegi doonaa diblamaasiyadda Somaliland dunida kula macaamisho ee ku saabsan habka citiraaf raadinta “Shirkani taariikhi ayuu u yahay Somaliland, si loo riixo citiraafka iyo si loo gabogabeeyo qaab-dhismeedka siyaasadda arrimaha dibadda,”ayuu ku yidhi wasiirka khaarajigu warsaxaafadeed, isagoo intaasi raaciyay in dhammaan wakiillada Somaliland u joogaan sidii loo dardar galin lahaa siyaasadda citiraaf raadinta.

Warsaxaafadeedka wasaaradda khaarajiga ayaa lagu sheegay in shirka oo soconaya muddo 5-cisho ah danjireyaasha lagu baraarujin doono borotokoolka aasaasiga ah ee diblamaasiyadda iyo la macaamilka saxaafadda, si loo dardar galiyo qaddiyadda Somaliland ku raadinayso citiraaf caalami ah. Kulanka ayaa sidoo kale noqonaya fursad lagu lafo guro sidii loo gunaanadi lahaa siyaasadda arrimaha dibada Somaliland.

Natiijada kulankan ayaa la rumaysan yahay inay si buuxda albaabka ugu furi doonto in hay’addaha maaliyadeed ee caalamiga ahi maalgalin horumarineed Somaliland ka fuliyaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here