Hargeysa (Hubaal)- Golaha Deegaanka Magaalada Clarkston ee dalka Maraykanka, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay aqoonsadeen Somaliland, iyaga oo si qoto dheer uga warbixiyey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in loo aqoonsado dal ka mida waddamada dunidda, sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hubaal
Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:- “Wasaaraada Arrimaha DibeddaSomaliland waxay mahadnaq iyo bogaadinba u diraysaa golaha deegaanka ee maragaalada Clarkston, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka sida dhiiranaanta leh ee ay u qireen xaqa ay Somaliland in u leedahay in la aqoonsado
Golaha Deegaanka Magaalada Clarkston ayaa si qoto dheer uga warbixiyey sababaha ay Somaliland xaq caalami ah ugu leedahay in la aqoonsado. Iyagoo baaq u diray ururka midawga Africa iyo dhammaan bulsho waynta caalamka in la gaadhay wakhti aan la hilmaami Karin sharcinimada iyo xaq nimada ay somaliland u leedahay in la aqoonsado
Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay hambalyo, bogaadin iyo mahadnaqba u soo jeedinaysaa muwaadiniinta reer somaliland ee sida gaarka ah iska xil saaray hawshan gaar ahaan Samiya Cabdillahi Walanwal oo bilawday hawshan iyo dhamaanba muwaadiniita reer somaliland ee taageerada la garab istaagay oo ay ka mid yihiin
Jamal Yuusuf Daroor, Fu’aad Abdi Ismaaciil, Cali Qanaf, Cismaan Yuusuf Maxamuud ,
Cali Xuseen iyo Mubaarak Suufi
Sidoo kale Wasaaraddu waxay mahadnaq ballaadhan u soo jeedinaysa xubnaha golaha deegaanaka magaalada Clarkston
Mayer: Ted Terry
xildhibaan, Andrea Cervone,
Jamie Carroll,
Ahmed Hassan,
Keith Barker,
Tracy Ashby,
Stephen Quinn.
Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay si gaara ugu mahad celinaysaa xildhibaan Ahmed Hassan oo ahaa xildhibaankii mooshinka soo hordhigay golaha deegaanka magaalada Clarkston ee dalka maraykanka iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay mooshinka
Arintan ayaa waxa ay ka mid tahay dedaalada ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ugu jirto sidii ay ugu qancin lahayd aqoonsiga Somaliland dhamaan qaybaha bulsho waynta caalamka qof qof, Golayaal iyo Dawladaba.