Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa kulan iskugu jira Tababobar loo qaban doono Wakiillada dalku ku leeyahay Dibadda iyo waliba dardargelinta Siyaasadda Arrimaha dibadda maalintii shalay ka furtay Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo muddo shan maalmood ah socon doona, ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado aqoonta Safiirrada dalka dibadda ujoogaa uleeyihiin arrimaha Diblomaasiyadda iyo hannaanka loola dhaqmo Waddamada ay wakiillka ka yihiin.
Ugu horrayn wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaagu furitaankii shirkaasi hadallo kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay in shirkani daarran yahay dardargelinta Arrimaha Diblomaasiyadda Somaliland iyo waliba Kor u qaaddida aqoonta Wakiillada Somaliland ee la xidhiidha shaqada ay qaranka u hayaan, “ujeeddada aynu iskugu nimi waxa weeye aqoon-korodhsi, waayo aragnimo-qaybsasho iyo wada-tashi. Aqoon-korodhsi marka aynu leenahay macnaheedu ma aha inaanay dadku aqoon lahan oo marka Wakiillada la xulanayo dadka aqoon iyo karti baa lagu xushaa, laakiin qofku wax kasta oo uu qabanayo waxa uu uga baahan yahay aqoon korodhsi, aniguna PHD baan dhaqaalaha ku sitaa, laakiin Diblomaasiyadda maan dhigan oo waxan uga baahanahay in aqoon badan oo iga dhiman ka helo.”ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa faahfaahiyey Waxyaabaha rasmiga ah ee la qaban doona muddada shirkaasi socdo, waxana uu yidhi,“Saddexda cisho ee hore waxa aynu kulankeena ku qaadan doonaa aqoon korodhsiga iyo waayo-aragnimo qaybsiga, labada cisho ee dambena waxa aynu ku qaadan doonaa falanqaynta iyo lafo-gurka siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, waliba maalmaha saddexda ah ee hore waxa aynu isdul taagi doonaa Safiirka iyo safaaraddu waxa ay yihiin, ujeeddooyinkeeda, qaab-dhismeedkeeda, shaqaalaheeda, wixii la xidhiidha Protocol-ka iyo sharciyadda ayb kub shaqaso, maal labaaddana waxa laga hadli doonaa Safiirka labaftiisa, qurbe-joogga iyo xidhiidhka iyo isgaadhsiinta.”
Sacad Cali Shire waxa uu Sidoo kale si hufan uga warbixiyey Doorka Wasaaraddiisa ee la xidhiidha horumarinta Dalka iyo dardargelinta Hawlaha ictiraaf raadinta iyo sidii ay Somaliland xidhiidh Togan ula yeelan lahayd Beesha Caalamka,
“Siyaasadda arrimaha dibaddu waxa ay ka turjumaysaa oo u adeegaysaa Himilada qarankeena oo ah Nabad, horumar, maamul-wanaag, Wada-tashi iyo ictiraaf. Si himilooyinkaas loo gaadhana doorka ay wasaaraddu ku leedahay waa xoojinta Iskaashiga Caalamka, dhinaca Sugidda Nabadgelyada, dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maamgashigaba, Daryeelka Dadka Reer Somaliland ee dibadda ku nool iyo kor u qaadida magaca Somaliland iyo ictiraaf heliddaba.” Ayuu yidhi Sacad Cali Shire.
Tababarka la siinayo Wakiillada Somaliland u fadhiya Dalalka Caalamka oo tiradoodu dhan tahay 14-wakiil, ayaa waxa bixin doona Khubaro reer Somaliland iyo kuwa caalamka ka yimi oo ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda, waxana la filayaa inay wax weyn ka tari doonto Arrimaha Dimlomaasiyadda Somaliland.