Wasaaradda Arrimaha Guddaha Oo Ka Hadashay Diiwaangelinta Madaniga Ah Iyo Shaqaale Bilaa Mushahar Ah

0
27

Hargeysa (Hubaal)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa ka hadashay hawsha diiwaangelinta madaniga ah ee baryahanba gobollo ka mid ah dalka ka socotay iyo shaqaalaha ka hawlgala oo aan mushahar la siin bilihii u dambeeyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cabdisamad Cumar Maal, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay u socoto diiwaangelinta kaadhka muwaadinka Somaliland oo inta badan gobollada dalka ka socota weli, halka qaarkood aan weli dhammaystirin.

Ag.-Daakhiliga

“Diiwaangalinta gobollada qaarkood waa bilaw, kuwa kalena waa gabagabo, gobolna kamaanu bilaabin, gobollada ay dhamaadka ku dhawday waa Hargeysa, Gabiley iyo Berbera, kuwaas oo shaqaalaha badankooda aannu soo koobnay, shaqadana waxaannu ku wareejinay dawlaha hoose sida Gabiley iyo Berbera. Gobollada qaarkood wali way socotaa sida Awdal oo aannu qorshaynay in aannu hadda u baxno degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkaas.

Gobolka Oodwayne isna waxaannu qorshaynay 6 goobood oo diiwaangelinta laga gali doono, Burco isna waxaannu qorshaynayn 16 goobood iyo Buuhoodle oo 3 goobood ah. Gobolka Sool oo aanaan weli ka bilaabin hadda ayaanu shirkadihii u gudbinay oo hawsheeda ayaanu ku jirnaa hadda, Laascaanood iyo Caynaba iyaga imtixaankii ayaanu ka qaadnay shaqaalaha diiwaangelinta,” ayuu yidhi Agaasime Maal oo warbaahinta la hadlay maanta.

Waxa kaloo uu ka hadlay shaqaalaha diiwaangelinta oo la sheegay in aanay labadii bilood ee u dambeeyey qaadan mushaharkii ay ku shaqaynayeen, isagoo xusay in ay dhawaan siin doonaan lacagtooda.

“Mushaharku waxa uu maraa habab kala gedisan, mararka qaarkood hore ayey u soo baxdaa. Tan iyo maalintii aannu bilownay shaqaalaha mushaharkooda waannu siin jirnay wax cabasho ah oo ka jirtay ma jirto, iyagoo jooga goobaha Miyiga ah ayaanu lacagtooda siin jirnay, waliba goobtooda ayaanun ku siin jirnay annagoo raacayna nidaamkan Zaadka. Waxase laga yaabaa inuu mar-mar habsan ku yara yimaad, markaa sida ugu dhaqsaha badan ayaannu u siinaynaa, wax cabasho ah oo ka taaganna ma jirto oo shaqaaluhu waa shaqaalahayagii.”

“Shaqaalahani waxay ahayeen shaqaale heshiis muddaysan ah, marka shaqada loo diray marba marka ka dambaysa culayskeedu isa soo dhimo waannu yaraynnaa shaqaalaha,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga.

Jamhuuriya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here