Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo 1500 Higtar Oo Qodaal ah Ka Bilowday Dhul-beereedka Banka TOG-WAJAALE

0
13

Markii Ugu Horreysay Ee Miisaaniyadda Lagu Daro Wax-soosaarka Banka Wajaale

 

Wajaale (Hubaal) – Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Taariikhda Casriga ah Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley ku Daah-furtay 1500 Higtar oo Qodaal ah, halkaasi oo laga Qodayo Midho kala duwan, si kor loogu qaado wax soo-saarka Qaranka isla-markaana Mustaqbalka Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca Cuntada, loogana Maarmo cuntooyinka Dalka dibeddiisa laga soo dhoofiyo.

Qodaalka 1500 higtar oo bilow u ah Saddex Goobood oo ay ka mid yihiin Deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer iyo deegaanka Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh oo laga qodayo min 1500 higtar, ayaa waxa shalay Daah-furay Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)) oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo Wasaaraddiisu Mashruucan hormood u tahay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka waramay muhiimada wax soo saarku leeyahay, waxaanu yidhi “Waxay muujinaysaa in wixii aynu qabsan karno aynu dadka tusno, tana maanta waxa ay kaw ka tahay hawshaasi mashruuca weyn ee Wajaale aynu ka qabanayno ee ay Ciidamadu mudada Nusqanirga ah Gacanta ku soo hayeen ee dhana ay Wax soo saarka uga faa’iidaynayeen dhana ay dadka iyo dalka u ilaalinayeen”.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo madashaasi ka hadlay ayaa ka warbxiyey dedaalkooda sidii ay bulshada ugu jihayn lahaayeen dhanka wax soo saarka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Halkan aynu maanta taaganahay ee Wajaale, waxa ay kaw ka tahay wax soo saarkii dhanka beeraha ee ay balan qaaday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee aad Madaxweyne ku xigeenka ka tahay (Saylici), maanta talaabada aynu qaadaynaa waxa weeyi in wax soo saarkii la kordhiyo, maantana waxa aynu bilaabaynaa mashruucii Miisaaniyada noogu jirtay ee beerista Wajaale, waana markii u horeysay ee Miisaaniyada loogu daro wax soo saar, dhulkan lanagu wareejinayaana waa laba qaybood oo Qodaal barigii hore la qodi jiray ah iyo qayb Qardo ah oo aanu imika qodayno”.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isna doorka boolisku ku leeyihiin wax soo saarka ka hadlay waxaanu yidhi “Ciidamadu mar waxa ay ilaalinayaan Nabadgalyada qaranka iyo shacabka Somaliland, hadana waxa aad halkan indhahaaga ku aragtaa wax soo saarkood iyo tacabka ay ku jiraan ilaa halkii aynu ka soo leexanay Mudane madaxweyne ku xigeen waad arkaysay dhamaanteena halka ujeedo ee aynu leenahay ee madaxweynuhu inagu hoggaaminayaa waxa ay ahayd in wax soo saarka la badiyo”.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa insa madasha qodaalka beeraha Wajaale laga bilaabayey khudbad ka jeediyey waxaanu yidhi “Maanta waxa aan halkan aynu taaganahay oo ah halkii Ciidanka Qaranka ku wareejinayaa si ku meel gaadh ah Wasaaradda beeraha”.

Wasiirka horumarinta Waxbarashada Yaasiin Faratoon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaanu ka aragnay dhul baaxad leh oo ku haboon wax soo saarka, waxaanan filyaa in maalgalin badan inoo soo jiidi doono”

 

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo isna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Farxad gaar ah ayey noo tahay mar hadaanu nahay gobolkii laga filayey in wax soo saarka wadanka 80% soo saarno in halkan laga bineeyo mashruucii adiga (Madaxweyne ku xigeenka) iyo Madaxweynuhu aad balan qaadeen ee ahaa in wax soo saarka la kobciyo ee qorshihiisu Miisaaniyada inoogu jiray, maantana waa la bud dhigay”.

Guddoomiyaha Degmada WajaaleWax soo saarkan roobka mooyaane dhulka waxa ku jira biyahaasi sidii ceelel loogu samayn lahaa lagu waraabiyo oo goor walba la tabco in lagu dedaalo weeyaan”.

 

Wasiirka Horumarinta Beeraha, Taliyeyaasha Ciidammada Milletariga, Booliiska, Maamulka Gobolka Gabiley iyo Hawl-wadeennada kale ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa si rasmi ah u Shiniyeeyay Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale oo 21 Cagaf bilaabeen inay qodaan 1500 higtar oo ka mid ah Dhulkaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here