Wasaaradda Caafimaadka oo u Bilowday Layli Dhakhtarnimo Dufcaddii Ugu Badneyd ee soo Dhiganayey Wax-barashada Culuunta Caafimaadka Jamacadaha Somaliland

0
172
?

Wasaarada caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo xaflad socon doonta muddo laba maalmood u sameeyey bilowga layliga dhakhaatiir cusub oo ka qalin jabiyey  jaamacadaha caafimaadka oo ay hormadan ka koobnaayeen 84-dhakhtar oo soo wadey xirfadda wax-barashada mihnadda caafimaadka  muddo toddoba sannadood ah ayaa lagu qabtay huteelka maansoor ee caasimadda Somaliland ee hargeysa.

Waxa xafladaasi haddalo kooban oo iskugu jiray waayoarragnimo, dardaaran iyo tallooyin iskugu jiray u  jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Agaasimaha cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud, Dr. Ismaaciil Muxumed Aaye iyo sidoo kale Agaasimaha waaxda horrumarka cududa shaqaalaha mudane khaddar Ibrahim Maxamed oo sheegay in jaamacaddaha ay ka soo baxeen dhakhaatiirta cusub ee loo bilaabayo layliga dhakhtarnimo, isagoo yidhi, “ Dhakhaatiirtan cusub waxa ay ka soo baxeen tiro ahaan, 24 Arday oo jaamacadda Hargeysa ah, 43 Arday oo jaamacadda Camuud ah, 7 Arday oo Jaamacadda Burco kasoo baxay iyo 11Arday oo Jaamacadda Golis ka yimi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay  ahaayneen 252 –dhakhaatiir ah, kuwaas oo sida uu xusay gaasimaha waaxda horrumarka cududa shaqaalaha mudane khaddar Ibrahim Maxamed tan iyo bilowgii la aassaassay jaamacaddaha qeybta caafimaadka, isla markaana ay  hormadani ku noqon doonto marka lagu darro intii hore u dhamaysatay Layligan oo tirada guud ka dhigaysa 336-dhakhaatiir ah.

 

Waxa kale oo uu intaas ku daray, in ay wasaaradda caafimaadku siin doonto kharashka ay ku hawl-gali doonaan muddada sannadka ah ee ay ku jiraan tababarka layliga dhakhtarnimo, muddaas ka dibna, loo sameyn doono mushahar  wasaaraadda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Dhinaca kale Hay’adda magaceedu yahay THET qeybteeda mashruuca loo soo gaabiyo SPIER, oo ay ka socotay Nuura Aideed Ibraahim, ayaa sheegtay inay jaamacaddaha ka taageeraan dhinaca maamulka, isla markaana ay qorsheynayaan inay ka taageeraan qalabkii ay ku hawl-gali lahaayeen sannadkan 2017, oo  qaybtan loo bilaabayo Layliga dhakhtarnimo, waxa kale oo ay xustay in qalabkaas uu ku bixi doono kharash dhan $ 40,000 oo lacagta dollarka Maraynkanka ah.

Guddoomiyaha guddida Layliga dhakhtarnimo Dr. Axmed Saleebaan jaamac  (Dr. Shiine), isla markaana, wakiil ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa ujeedada ay xanbaarsan tahay iyo faaiidada ay leedahay Layliga dhakhtarnimo ee socon doona muddada halka sanno ah, waxa uu sheegay inay ku jiri doona kormeer iyo dabagal  lagu qiimeyn doono, joogteynta shaqo, akhlaaqiyaadka, habka daaweynta iyo kala saarista cudurada dadka bukaanka ah iyo weliba habka uu ula dhaqmayo dadka bukaan jiifka ah, taasoo ah dhameystirka imtixaanka ugu danbeeya ee ay ku qaadan doonaan shahaadada dhakhtarnimo.

 

 

Maxamed Faarax Qoti

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here