Hargeysa:(Hubaa)-Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, ayaa faahfaajhin ka bixisay maxbuus isku deldelay xabsiga ku yaalla magaalada Berbera oo uu muddo ku xidhnaa, waxana ay xustay sababta keentay inay deldelaadaasi dhacdo.
Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre oo arrintan ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inuu maxbuuska is deldelay ahaa mid maskaxda wax uga dhiman yihiin, isla-markaana marka horeba laga dhex saaray maxaabiista kale, “Nin maxbuus ah oo xidhan buu ahaa oo la baadhayo, xanuunna wuu qabayoo nin la karan-tiimeeyey buu ahaa, baadhitaankuna wuu socdaa” ayuu yidhi wasiir Caddarre.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoos u dhigay dhimashada gaadhay marxuumka is deldelay, waxana uu ka marag kacay in dulmi badani haysto maxaabiista, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“maxaabiisteena iyo kuwa caalamkuba way dulman yihiin oo marka laga hadlayo qof xorriyadii laga qaaday isaga oo dembi galay wax u dhimani ma jiro, wax war gaar ah laga sameeyana ma ah, mana odhan karno qofkii ilaahay dilay muxuu u dhintay.”
Marar dhawr ah bay dhacday in xabsiyada Somaliland ay ka dhacaan kiisas ay qaar maxaabiista kamid ahi isku dedelaan, waxana arrintaas inta badan loo aaneeyaa daryeel la’aan dhexdooda ah iyo ilaaladooda oo aan wanaagsanayn.