Wasaaradda Ciyaaraha Oo Qaabishey Dhallinyaro Magaca Somaliland Kaga Qaybgalay Shirweyne Caalami Ah Oo Ka Dhacay Nigeria

0
8

Dhallinyaradan ayaa waxa diray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Waxaanay ka qayb galeen shir loo qabtay dhallinyarada 52 dal oo Afrika ah oo ay matalayeen 320 xarumood oo hal abuurka ah (Innovation Hubs).

Hargeysa (Hubaal) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay lix xubnood oo dhallinyaro ah oo ka qaybgalay shir dhallinyada Afrika loogu qabtay Nigeria, kaasi oo ku saabsanaa dhinaca Tiknoolajiyadda. Agaasime Cabdirashiid Caydiid wuxuu sheegay inay dhallinyaradaas Wasaarad ahaan direen iyagoo kaashanaya madaxtooyada Somaliland. Waxaanu tilmaamay in laga bixiyey qaybo ka mid ah kharashkii ay ku tageen Nigeria. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay dhalinyarada ka saacidaan wixii horumar ah iyo inay u fududeeyaan shirarka ay kaga qaybgalayaan dalalka adduunka.

“Waxaan maanta ku qaabilay xafiiskayga lix dhallinyaro ah oo maalintii shalay ku soo guryo noqday dalka,  kuwaas oo kaga qayb galay dalka Nigeria shir ay ka qayb galeen dhallinyarada 52 dal oo Afrika ah oo ay matalayeen 320 xarumood oo hal abuurka ah (Innovation Hubs).  Dhallinyaradan ayaa waxa diray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Shirkan ayaa qabsoomay 26 ilaa 29, Oct, 2021. Dhallinyarada ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay kala kulmeen mudadii shirku socday. Waxa xusid mudan inay ku tageen oo fiisaha loogu dhuftay baasaboorka Somaliland.” Ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook

Maxamed Cabdirashiid Faarax, oo ku hadlay magaca dhallinyaradaas ayaa sheegay in shirkaas oo lagaga hadlayey tijnoolajiyada lagu soo Marti qaaday oo ay ku tageen Baasaboorka Somaliland.

Maxamed Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in shirkaas dhallinyarada afrika ee ka qabsoomay Nigeria ay ka soo qaybgaleen ergo ka kala timid 52 dal iyo 320 xurumood oo ah shirkadaha wax ikhtiraaca (Inovation Hub).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here