Nuxurka Khudbad Uu Wasiir-kuxigeenka Dhalinyaradu Ka Jeediyey Madashaas
Hargeysa (Hubaal)-Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland ayaa khamiistii dorraad furtay shir weyne ku saabsan sidii loo horumarin lahaa dhalinyarada Somaliland, shirkan oo saddex biloodle ah oo ka qabsoomay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qayb galay ururrada iyo hay’adaha ka hawl gala mashruuca loo yaqaanno “Somaliland Youth Sector Coordination Meeting”. Masuuliyiintii ka qayb galay shirkaasi ee hadallada ka jeediyey waxaa ka mid ahaa Wasiirka qorsheynta qaranka iyo isu duwida hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas, agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid iyo agaasimaha waaxda dhalinyarada ee wasaaradaas Sayid Cumar. Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ka warramay ujeedooyinka shirkan iyo waxyaabaha la filayo in ay ka soo baxaaan. “wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku waxay diyaar u tahay in ay si dhammaystiran ula shaqayso ururrada iyo hay’adaha ku hawlan wax-qabadka dhallinyarada. Waxayna doonaysaa in ay ka war hayso wixii hadba ay ururradu soo kordhiyaan si ay u jirto wada-shaqayn iyo wada-xisaabtan ku salaysan horumarin. Waxan idinka codsanaynaa in wax-qabadkiinu ku salaysnaado siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Yuusuf Cismaan Garas, waxaana ay ka qayb galayaashii shirkaasi ay wasiir Garas ka dhegeysteen waxqabadkiii saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay wasaaraddoodu ku tallaabsatay, Dhinaca kale intii shirkaasi socday waxaa khudbado laga dhegeystay qaar ka mid ah hay’adihii ka qayb galay shirkaasi oo iyagu soo bandhigay qorshahooda ku wajahan kulankan, waxaana halkaasi in ka badan 20 hay’adood oo maxalli iyo caalami isugu jira lagu weydiiyey su’aalo ku dhereran mashaariicdooda horumarineed ee ku wajahan horumarinta da’yarta Somaliland.