Shaqaalaha wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa si weyn uga qeyb-qaadatay maalintii shalay ololihii nadaafada qaranka ee laga fuliyey guud ahaan Somaliland.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin oo ay weheliyaan wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Yuusuf Cismaan Garas iyo Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Agaasimo waaxeedyada ayaa hor-kacayey shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo si weyn ugu sii diyaar garoobay maalintan qaran. Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa ololaha nadaafada ka fulinaysay degmadda 26-ka Juun gaar ahaan Suuqa Gobonimo, waxaana guud ahaan shaqaalaha iyo masuuliyiintoodu ay ku qalabaysnaayeen agabka lagu nadiifiyo xashiishka, iyaga oo sidoo kale ku labisnaa direys isku eeg oo magaca wasaaraddoodu ku xardhanaa.
Ugu horeyn waxaa goobtii hawl-galka nadaafadeed ay ka fulinayeen kula hadlay war-baahinta wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Axmed Cabdi Kaahin, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Dadka halkan joogaa waa masuuliyiintii iyo shaqaalihii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxaana ay u soo baxeen maalintan qaranka loo asteeyay oo aanu si weyn ugu sii diyaar garawnay, waanad aragtaan sida muwaadinimada leh ee aanu u nadiifinayno, Maanta qof xaruntii wasaaradda kumuu hadhin, waxa la isku soo raacay nadiifinta qashinka iyo ajiibka amarada madaxwaynaha, waana waajib ina wada saaran arrimahan oo kale inaynu si isku mid ah ugu soo wada baxno, waxaanan leeyahay bulshada gacmo wada jir bay wax ku qabtaan ee aynu ka midaysnaano waxa umadeena caafimaadku ugu jiro, maadaama oo aynu ku jirno wakhti roobaadkii”.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha, waxaana ay si isku mid ah u iftiimiyey dhibaatooyinka caafimaad darro ee ka dhalan kara qashinka oo la huursado, waxaana ay tilmaameen in shaqaalahoodu ay si wada-jir ah heegan ugu yihiin ololayaasha ceynkan oo kale ah.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) ayaa soo gaadhay goobtii ay ka hawl-galaysay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaruhu, waxaana uu socod ku maray goobihii la nadiifiyey isaga oo dedaalka shaqaalaha wasaaradda ciyaaruhu ka gaystay maalintan qaran ku amaanay masuuliyiinta wasaaradda.
Guriga FAALLOOYIN Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Si Weyn Uga Qeyb-qaadatay Ololihii Nadaafada Qaranka...