Wasaaradda Duulista Oo Shahaado-sharaf Ku Maamuustay Shaqaale Hawlkarnimo Muujiyey

0
36

Hargeys:(Hubaal)-Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa shahaado-sharafyo guddoonsiisay Qaar kamid ah shaqalaheeda oo Hawlkarnimo ballaadhan muujiyey, iyadoo sidoo kalena sii waddacday Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Gacanta kusoo hayey muddada dheer Md Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana sidoo kale lasoo dhaweeyey Wasiirka cusub Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani.

Maamulaha Guud ee Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada kulankaasi daarranaa,“Xafladani waa xafladii inoogu weynayad intii Madaarkan Cigaal International Airport   jiray, nasiib ayeynu u yeelanay, in ay inagala soo qaygalaan Wasiiradii Dalku kuwii ugu mudnaa, Taliyihi Ciidanka Booliska,  Taliyihii Laanta Socdaalka, Saraakiisha Ciidanka Qaranka, iyo badi haldoorkii Dalku, farxad weyan ayey noo tahay in aad nagla soo qaygashaan, aniga oo ku hadlaaya afkii shaqaale weynaha Madaarka.” Ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.

sadaam

Wasiirka Wasaaradda Madxtooyada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo  isaguna halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday mudadii Shanta Sano iyo Badhka ahayd ee uu xilka hayey iyo marxaladihii uu soo maray Madaarka Cigaal, waxana ka mid ahaa dalkiisii,

 “waxaan is leeyahay mudadii shantaas iyo badhka sano ahayd, Raganimo aan anigu leeyahay oo raga dheerahay wixii qabsoomay kumay iman, laakin waxaan is leeyahay naskiibkuna waa wax weyn oo jira, dadaalka binu-aadanku dadaalo, ee himilada iyo Yoolka uu ku gaadhayaana waaa waxa lays dheeryahay.Dadaalka Xukuumadani  la timi iyo qorshadii aanu dhignay, ayaa isbadalkaas hir galiyey, ILAHAY ayaa SWT Jecelahay inaan ugu mahad naqo, wixii noo qabsoomay ee uu noo fududeeyey, waxa badan ayaa iska badalay Aviation-ka Somaliland mudadaas, waana wax Umaddan u qabsoomay Lib aan anigu leeyahayna maaha, waxaan is leeyahay kaligay maan xaqiijin, lib kaligii nin keenaa ma jiro, hadii dal uu Horumaro dabcan Madaxweynahiisu magaca wuu helaa, waxaase ku mataansan oo libtaas la hela, Golahiisa Wasiirada, madaxda kale iyo Saraaakiisa Ciidmada. Guulkasta oo timaadana dadbaa waxa dhaliya, Guushu waa Rag badan tahay Guuldaradduna way rag yartahay” ayuu yidhi Maxamuud xaashi cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Md  Cismaan Saxaradiid (Cadaani) oo soo gunaanaday Munaasibadaas ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay gutaan xilkoodda, kaas oo buu yidhi isfaham u noqon kara dhexdooda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa,

“Laba arimood ayaynu maanta halkan iskugu nimid, mid waxaa weeye Wasiirkii hore ee Duulista Hawada ahna Wasiirka Madaxtooyada saaxiibkay muddane Maxamuud Xaashi Cabdi sidii aynu usii sagootin lahayn. Qodobka 1-aad  waxaa weeye ana sidii aan idin odhan lahaa kalmad isbarasho ah, laakin ta Wasiirkaa mudan si sagootinta Wasiirka Madaxtooyada, inagu waynu isku dambaynaynaa ee Shanta lixda Sanno meesha joogay runtii maanta waa maalintiisi. Qodobka 2-aad waxaa weeye ee aynu iskugu nimid inaynu xusno kuwii sida xilkasnimada leh ee ay ku jirto xilkasnimo dheeraad ah, ee ay ku jirto hawlkarnimo dheeraada ahi,  u gutay xilkii  qaranka Somaliland ee Madaarkan uu u igmaday Madaxweynaha Somaliland oo dhamaanteen aynu u wada shaqayno Umada reer Somaliland,kuwii hawlkarnimada iyo xilkasnimada dheeraadka ah kaga soo baxay inaynu xusno oo ka dhexsaarno ka caadiga  u shaqeeya iyo ka aan sida caadiga ah u shaqayn .” ayuu yidhi Wasiir Caddaani, waxana uu intaas ku daray,

“Shaqaale walba oo meel jooga labay u qaybsamaan, waxay u qaybsamayaan oo dhaba qaar guta oo u guta shaqada qaranku u igmaday hawlkarnimo dheeraada,xilkasnimo dheeraada,dulqaad dheeraada,farxad dheeraada iyo soo dhawayn dheeraada ku muta,  ayay u qaybsamayaan oo waa qayb gaara oo maanta aynu halkan ku xusayno,qaar kalaa jira oo aan aniga buugayga aan ku jirin oo aynu doonayno inaynu ka waantawno oo aydaan ka mid noqon waa ka ah xilkaas loo igmaday aan u qalmin waa Gabadh ama Wiil habsaankooda badan ,murankeeda badan ,dagaalkooda badan xagan wixii laga samaynayay iyo xaq wixii lagu lahaa aan u qalmin,”

 Ugu Dambayntii waxa ay Labada Wasiir iyo Taliyaha Ciidanka Boolisku Halkaas shahaado-sharafyo ku guddoonsiiyeen  Shaqaalihii loo arkay in ay yihiin hawl kar, sidoo kale Maamulka Madaarka Cigaal ayaa Shahaado ku gudoonsiiyey goobtaas Wasiirkii hore ee Duulista ahna Wasiirka Madaxtooyada, waxaana Shahaadada Gudoonsiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista, Kooxda Kubada Cagta ee Ku Ciyaarta Magaca Wasaarada Duulista ayaa iyaguna halkaa ku gudoonsiiyey Wasiirkii hore Shahaado.

Afhayeenkii hore ee Wasaarada Duulista ayaa ka mid ahaa Shaqaalihi Shaqo wanaaga uu ku maamusay Wasiirka Duulistu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here