Hargeysa(Hubaal):- Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caaalamiga ah ee Somaliland Aadan Cilmi Axmed, ayaa Shacabka ku dhalliilay in ay sabab u yihiin sicir-bararka Muceeshadda laasimay, waxaanu ku dooday in dadweynuhu ay ka jeesteen in ay dalkooda wax ka beertaan.
Sidaasna waxa uu sarkaalkani kaga hadlay warbixin dheer oo wariye Siciid Faarax Cagjar oo ka tirsan Wargeyska DAWAN, ka diyaariyay asbaabaha dhaliyay in shacbiga Somaliland uu joogto ku noqdo sicir barar aanay dunida kale la qabin.
Warbixintaasi oo dhammaystiranina waxay u qornayd sidan: “Somaliland Waxa ka jira sicir barar saamayn ku yeeshay qiimaha Maceeshadda quutal-daruuriga ah , kaas oo kor u kaca mar kasta, balse aaney jirin ilaa hadda hoos u dhac ku yimaaadda marnaba si kasta haddii uu uga jabo dunidda.
Aabbe Axmed Aadan Haybe oo ka mid ah qoysaska ku nool Magaalada Hargeysa oo aanu la kulanay ayaanu wax ka waydiyey saamaynta ay qoys ahaan ku yeelatay kor u kaca maceeshada ee sanadahan u dambeeyey ka jirtay guud ahaan gobollada Somaliland, isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu kaga jawaabay “Saamayn weyn ayey nagu leedahay Xaqiiqatan, tusaale ahaan saamaynta ay igu leedahay waxa ka mid ah mar walba oo maceeshadu koradho mushaharku ma kordho ee halkiisa ayuu taagan yahay, anigu shaqaale dawladeed ayaan ahay, musharna layma kordhiyo marka maciishadu koradho, marka meesha waxa ka baxaya qorshihii aan ugu talo galay dhaqaalaha qoyskayga iyo sidii ay u noolayeen”.
Mar aan wax ka waydiyey sababaha keena in qiimaha maceeshadu kor u kaco waxa uu ku jawaabay “Maceeshadu waxay u kordhaysaa waxa aan jirin dawlad adag oo kaantaroosha oo ilaalinaysa , waxa kale oo aan jirin tartan dhinac suuqa ganacsiga ah oo waxa ay kooto ugu xidhantahay koox yar oo sida ay doonto ka yeesha dadka”.
Maxamed Ibaraahim Ismaaciil oo ka mid ah hawl wadneeda Barkhaarka Sidiiq Store oo ku yaalla Xaafada Idaacadda ee magaalada Hargeysa, ayaa ku dooday inaanay iyagu kordhin karin maceeshadda, waxaanu yidhi “ Runtii annagu waxba ma kordhino ilaa ay nagu kordhinayaan nimanka soo dejiyaa, Maceeshadu way jabnayd wixii ka horeeyey sannadkii 2006-dii balse wixii intaa ka dambeeyey waxay noqotay maceeshadu mid qiimaheedu sii kordhayo oo aanu marnaba hoos u soo noqonayn. tusaale, wixii ka horeeyey sanadkaa 2006 qiimaha ugu sarreeya ee ay Sonkortu gaadhay waxay ahayd Sideed iyo toban dollar, maantana waxay maraysaa lix iyo soddon doolar , markaa waad dareemi kartaa inta uu qiimuhu kordhay, waxaana ugu wacan tartan la’aan dhinaca ganacsiga ah iyo dawladda oo aan kaantarooli karin ama xakamayn Karin ganacsatada.”
“Annagu ma kordhino haddii mid kordhiyo bakhaaradda kale ayaa ku iibinaya qimiihi caadiga ahaa, dadkuna waxay wax ka iibsanayaan meherada alaabteedu jaban tahay, markaa ganacsigii waxa ku imanaya hoos u dhac weyn, sidaa darteed ma filaayo in uu jiro bakhaar isagu iskii u kordhiya, balse waxa korodhka maciishada gooya nimanka soo dejiya oo iyaguna sheega in wadamada ay kasoo iibsadeen lagaga kordhiyey,”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim.
Agaasimaha Waaxda ganacsiga ee wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Calaamiga ah ee Somaliland Aadan Cilmi Axmed ayaa aanu isagana wax ka waydiinay arrintan iyo Sababaha ugu wacan korodhka joogtada ah waxaanu yidhi “Wixii jira in wax layska waydiyaa waa lagama maarmaan. runtii wax yaabaha ay bulshadu markiiba dareento waxa ugu badan maceeshadda. Maceeshadu waxa ay mar walba kor innoogu kacdaa waxa weeye innaga oo ah ummad leh dhulkii wax beerista ku wanaagsanaa oo biyihii in innagu filan haysana ayaa haddana dadkii waxa dhibaato ku ah in ay la soo baxaan wax ay beerteen ,waxba lama soo baxno mararka qaarna waxa aad is odhanaysaa waxeenaba ma jeclin.”
“Wax kale oo bini-aadam soo samaysto oo soo hagaajistay uun baynu jecelnahay , cunto aynaan lahayn marka aynu keensano dee ninka leh waxa uu ka yeelo uun bay ku xidhan tahay oo waxa uu doono ayuu kaa siinayaa, adna waad ku khasban tahay in aad ka iibasato waayo waad u baahan tahay, madaama aad taadii la soo bixi kari wayday oo aad dhulkagii wax ka beeran wayday,”ayuu yidhi Agaasimuhu.
“Dhinaca kale haddii laga eego dadkeenu tartanka hagaag uma yaqaanan, dastuurkeenana waxa ku qoran in ganacsigu xor yahay , xoriyaddaa aynu ganacsiga siinay ma aha mid aan xad lahayn oo xoriyad walba xad ayey leedahay, markii xoriyaddaasi xadkeeda dhaafto dee in tallaabo la qaado ayey keenaysaa,” ayuu yidhi Aadan Cilmi Axmed, waxaanu intaasi ku daray “Madaama uu dastuurka uu ku qoran yahay in ganacsigu xor yahay waa in uu tartan jiraa oo aanan anigu ku odhan bariiskaaga toban shilin siinayaa, war adna siddeed shilin sii, waa in uu isagu is rogrogaa oo is wadaa oo marka aad adigu doonaysid in aad kiishka shan doolar siiso waa in uu nin kale ka degdegsan yahay oo isagu laba keliya siinayaa oo debadeedna wixii tartamaa, tartankii noocaas ahaa dadkeena waa uu ka maqan yahay.”
Dhinaca kale waxa uu sheegay in cashuurta laga qaado ganacsatadu ay bulshada saaran tahay ee aanay iyagu bixin “Cashuurta ganacsatadeena laga qaado iyagu ma bixiyaan, innaga waxay innoogu muuqataa inay cashuurta bixiyaan, laakiin cashuurta ay bixiyaan waa mid bulshada saaran, sababto oo ah, waxa ay ku shaqaynaa nidaam furan oo nin walba jeebkiisa ayuu lacagtii ku sitaa, LC iyo baankii wax inoo xisaabin lahaa ayuu gaab ku jiraa oo u baahan in la saxo.”
Agaasimaha oo ka jawaabayay xalka wasaaradiisu u qorshaysay inay dadweynaha kaga jabiso quutal daruuriga, waxa uu yidhi “Horta sharacigeenu waxa uu sheegayaa in ganacsigu xor yahay oo xoriyaddu aaney xad dhaaf noqon karin oo xad loo samayn karo, kaasi waa qoddob. qoddabka labaad waxa weeye qofka waxa uu iibinayo sidii aan u ilaalin lahaa ee ula socon lahaa in ay dhisnaato weeye , ninkani waxan uu wax ku iibinayaa siduu ku keenay waa in aan ogaadaa, waxa aan ku ogaan karaa waa in uu lacagtii doolarka baanka ka helaa ileyn doolar baa wax lagaga soo iibiyee,”ayuu yidhi Aadan Cilmi Axmed.
“Dadkuna waa in lacagta doolarka baanka geeyaan oo Somaliland shilinka qaata, ninku marka uu doolarkii baanka ka helo waan aqaanaa inta laga soo siiyey ,tanka bariiska ah inta uu halkaa ka joogana waan garanayaa wixii qiimo ahna waan garanayaa, inta uu ka faa’idaayana markaas ayaan qiyaasi karaa, sidaas ayaan ninkii kula xisaabtami karaa oo nidaamku u samayn karaa , marka waxa aanu ku dadaalaynaa in aynu lacagteena habaysano oo ninkii ganacsadaha kolba meel la marin lacagtiisi si aynu ugu daba galno korodhka maciishada.”
Waxa uu agaasimahu u soo jeediyey bulshada in ay aaminaan dhulkooda isla markaana wax kala soo baxaan, maadaama macaashida quutal-daruuriga ah ay tahay nolosha, si looga maarmo cuntooyinka la soo waariday oo haddii aynu wayno ama dekadda ay ka soo degi waayana ay bulshadeenu u dhimanayso gaajo iyo Macaluul. si taa looga hor tago waa in lagu dadaalaa wax soo saarka beeraha .”
Xigasho Wargeyska DAWAN.