Digreeto Kasoo Baxday XAfiiska Wasiirka Hawlaha Guud Oo Amar Ku Joojisay Qorsheynta Dhulka Banaan Ee Magaalooyinka
Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Joojisay Qorshaynta Dhulka Banaan ee Magaalooyinka Dalka Isla Markaana Dawladaha Hoose Ku Aamartay Inay Soo Gudbiyaan Naqshadaha Guud ee Magaalooyinka Ay Xukumaan. Digreeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambe Ayaa Udhignayd Sidan. Waxa Lala Amrayaa Dhammaan Maayirada Magaalooyinka, Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka, Waxa La Ogeysiinayaa, Agaasimaha Guud ee W/HG/DH & Guryaynta, Hanti dhawra Guud ee Qaranka, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha , Gudida Heer Qaran ee Nashqada Guud, Madaxweynaha JSL. In Maanta Laga Bilaabo Dawladaha Hoose Ay Soo Gudbiyaan Naqshadaha Guud ee Magaalooyinka Ay Xukumaan Ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka Hawlaha Guu Wuxuu Ku Yidhi Digeeratadan Anigoo Tixraacaya warqada sumadeedu tahay JSL/XM/WAREEGTO/01/122017, kuna taariikhaysan 14/12/2017, ujeedadeeduna ahayd in maamulka dhulka ay tahay mandate-ka (Shaqada) Wasaarada Hawlaha Guud kana soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha JSL. Haddaba, si loo dardargaliyo waajibaadka iyo adeega shaqo ee wasaaradu u qabato shacbiga Somaliland, iyada oo la raacayo laguna dhaqmayo xeer No. 17/2001 xeerka sharciga dhulka Jamhuuriyada Somaliland, lana fulinayo wareegtadii Madaxwaynaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawlada. Sidaa daraadeed, waxaa laydin ku wargelinayaa inaad soo gudbisaan Naqshadaha magaalooyinka iyo liiska danaha guud ee aad haysaan idinka oo u kala saaraya:
- Danaha guud ee aad kala wareegteen golihii deegaanka ee idinka horeeyay.
- Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen.
- Magacyada cida iska leh beeraha ay ka soo xaroodeen danaha guud iyo beer kasta Cabirka dhulka ee laga jaray iyo naqshadahooda.
- Degmada / waaxda ama goobta ay ku taalo.
- Tirada danaha guud ee hada la hayo iyo tafaasiishooda idinkoo u kala tixgelinaya
- Goobaha cibaadada (Masaajidada iyo malcaamadaha)
- Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee dugsiyada iyo jaamacadaha)
- Goobaha caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH)
- Saldhigyada Booliska, xabsiyada iyo wixii la mid ah. Sidaa daraadeed, waxaa maayirada mar labaad lagu adkaynayaa in ay howshan ku soo dhamaystiraan ilaa 15 / 01/ 2017, iyaga oo hal nuqul oo danaha guud ah ku xaraynaya xafiisyada WHG/DH/Guryaynta ee Gobol ama Degmo, mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawlaha Guud. Waxaa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in qof kale aan loo siin karin dan gaara). Dhinaca Kale Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambe Wuxuu Joojiyey Sharciyaynta iyo Qorshaynta Dhulka Banaan ee Magaalooyinka dalka iyo bixinta danta guud.
9
Waxa Lala Amrayaa Dhammaan Maayirada Magaalooyinka, Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka, Waxa La Ogeysiinayaa, Mulkiilayaasha Dhulka Beeraha ah ee magaaladu gaadhay, Agaasimaha Guud ee WHG/DH&Guryaynta, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka JSL, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Guddida Heer Qaran ee Nashqadaha Dhulka, Madaxweynaha JSL in manta laga bilaabo La Joojiyey Sharciyaynta iyo Qorshaynta Dhulka Banaan ee Magaalooyinka dalka iyo bixinta danta guud. Wasiirka WHG/DH/Guryeynta ahna Gudoomiyaha Gudiga Qaranka ee Naqshadaha Guud iyo Gudoomiyaha Gudiga Dib u soo Celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha Dawladda
Markaan arkay: Qodobka 3aad, 4aad iyo 5aad ee Xeerka Dhulka, Xeer No. 17/2001.
Markaan arkay: Qodobka 8aad ee isla Xeerka Dhulka oo tilmaamaya jago bixinta ka reeban Dawladaha Hoose Faqradiisa 1-aad & 2-aad oo u dhigan sida tan (Maamulka Dawladdaha Hoose waxaa ka reeban inay bixiyaan dhul ku yaala meelaha: macdanta, dhulbereedka, xeebaha iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.
Markaan arkay: Qodobka 43aad ee Xeerka ismaamulka gobolada iyo dagmooyinka dalka JSL Faqradiisa 2aad ee qeexaya waxaa ka reeban gudi hoosaadyada una qoran sidan: gudi hoosaadyada golaha deegaanka waxaa ka reeban inay saxeexaan document la xidhiidha
- Dhul Bixinta
- Mulkiyadaha Dhulka
- Waraaqaha cadaynta, xaqiijinta, hubinta iyo ansixinta soo eegis dhul.
Markaan arkay: Xeerka Madaxweynaha ee sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014 ee soo celinta, gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawlada.
Markaan ku qancay: Boobka iyo weerarka lagu hayo dhulka danaha guud iyo guryaha dawlada.
Waxaan soo saaray go’aanadan.
- Waxaan joojiyay laga bilaabo maanta qorshaynta iyo sharciyaynta dhulka banaan & beeraha.
- Dawladaha Hoose ee dalka waxaa ka reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta uu yahay sida ku cad: Qodobka 3-aad ee Xeerka maamulka dhulka Xeer No. 17/2001.
- Waxaa ka reeban dawladaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday danta guud ee laga jaray beeraha dadweynaha.
- In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, laysku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha dawlada sida ku cad wareegtada Madaxweynaha JSL ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawlada cidii ku kacdana arimaha qodobkan ku qoran kuma yeelan doonto magdhaw xukuumada.
- Masuuliinta ku xadgudubta arimaha dhulka waxa qaban doona xeerka ciqaabta ee ku xusan Xeerka Dhulka, Xeer No.17/2001, Qodobkiisa 29-aad Faqradiisa 1-aad ,iyo Faqradiisa 2-aad.
Qoraalkan wuxuu dhaqan gelayaa manta ay taariikhdu tahay 3/ 01 / 2018 sidaa darted, waxa lagu wargalinayaa dhamaan hay’adaha dawlada ee ay khusayso digreetadani iyo mulkiilayaasha beeraha in ay dhawraan islamarkaana ilaaliyaan sharciga iyo xeerarka dalka u yaala.
Diggreetadan waxaa ku sexeexnaa Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Mudane Cabdirashiid X. Ducaale Qambi
ALLAH MAHAD LEH.