Wasaaradda Isgaadhsiinta Oo Ruqsadaha Kala Noqotay Saddex Shirkadoood, Shacabkana Uga Digtay Adeegsiga Nooc Ka Mid Ah Isgaadhsiinta

0
19

“Saddex Shirkadood Ayaa ay Wasaaraddu Kala Noqonayso Ruqsadii Maadaama Diiwaangalintoodii Aanay Raacsiinayn Habka Sharciga Ah”Agaasimaha  Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tignoolajiyadda

 

Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tignoolajiyadda Somaliland, ayaa uga digtay Hay’adaha, Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka aan fasaxa u haysan ee isticmaala Raadiyaha Gacanta (Walk Talk).

Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaraddaasi Maxamed Cumar Maxamed oo shalay Warbaahinta u waramay ayaa ka hadlay amarrada cusub ee ay ku soo rogeen Hay’adaha, Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka aan fasaxa u haysan ee isticmaala Raadiyaha Gacanta, waxaanu yidhi  “Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu inta badan waxay ka shaqaysaa dardar-gelinta adeegyada isgaadhsiinta ee Dalka ka socda iyo sidii loo diwaangelin lahaa, loona heli lahaa xog sax ah oo la xidhiidha adeegyada isgaadhsiinta ee Dalka ka jira, taas awgeed waxaanu Maanta amar ku bixinaynaa Ruqsadleyaasha saddexaad ee hoos yimaadda Wasaaradda Isgaadhsiinta waana kuwa bixiya adeegyada Raadiyaha.”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay “Waxa jira Shirkado Adeegsada Raadiyaha Gacanta (Walk Talk), kuwaas oo aan ka diwaangashayn Wasaaradda Isgaadhsiinta, waana arrin aad u khaldan, markaa waxa loo baahan yahay in shirkadaha noocaas ahi ay Wasaaradda ka diwaangashanaadaan, taasina waxay keenaysaa in Adeegyadaasi aanay dhex gelin adeegyada Dawladdu isticmaasho, adeegyadaas oo ah qaar u muhiim ah bulshada somaliland.”

Agaasimuhu waxa uu xusay saddex shirkadood uu sheegay inay wasaaraddu kala noqonayso ruqsadaha, maadaama aanay diiwaangalin sharci ah haysan, “Shirkadaha aynu halkan maanta ku xusayno oo ah saddex shirkadood oo ay wasaaraddu kala noqonayso ruqsadii maadaama oo diiwaangalintoodii aanay raacsiinayn habka sharciga ah, waxaanay shirkadahaasi kala yihiin; shirkadda Bond, shirkadda pgp IN iyo shirkadda Salaama Security, waana shirkado isticmaala Walk Talk-yada.” ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Cumar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here